Mohamed Ibraahim xaq maaha in la mastaafuriyo

posted on Thursday, January 4th, 18

news image

 Kolding. Saxaafada wadanka Denmark waxa ay todobaadkan ka waramaysay cellinta soomaalida iyaga oo tusaale u soo qaatey nin soomaaliya oo muujiyey dadaal iyo karti, 

waa maxamed Ibraahim oo dalka joogay 4 sanno, afka bartey, shaqeysta, xilligiisa firaaqada ah na kubad ciyaara, todobaadkan ayuu ka helay warqad laanta socdaalka ee Denmark taas oo loogu sheegayo in dalka laga saarayo oo soomaaliya lagu cellinayo maadaama oo uu dalkiisii nabad noqday, waxa arinkaasi ka xumaadey Maxamed iyo dhamaan shaqaalihii uu la shaqeynayey oo ku tilmaamey saaxiib , shaqo badan dabeecad wanaagsan ,cashuur bixiye ah oo aan mudneyn in isagoo kale la mastaafuriyo.

 

wasiirada qallobixinta ee Denmark Inger Støjberg (V)  ayaa la waydiiyey miyaanu mudneyn in dalka aan laga mastaafurin maadaama oo Denmark shaqaale u baahantahay isaguna uu shaqeeyo cashuurna bixiyo, waxaaney ku jawaabtey dadk sidiisa oo kale ah Somaaliyaa u baahan.

halkan ka daawa Videogii xalay warka lagu soo qaatey.

http://nyheder.tv2.dk/politik/2018-01-03-han-taler-dansk-arbejder-og-betaler-skat-men-nu-skal-mohamed-ibrahim-udvises

 Riix links hoose si aad u daawato

http://nyheder.tv2.dk/politik/2018-01-03-han-taler-dansk-arbejder-og-betaler-skat-men-nu-skal-mohamed-ibrahim-udvises





©Radiohormuud.dk ®All rights reserved