Nasir oo laba sanno iyo lixbilood lagu xukumay

posted on Friday, January 5th, 18

news image

 Mulkiilihii xarunta sarrifka lacagaha ee magalaalada Kolding Mr. Nasir Ahmed Khaksar oo 47 jir ahaa ayaa ay maxkamada degmada kolding ku xukuntay 2sanno iyo lixbilood xadhig ah kadib kolkii ay ku eedaysay in uu taageeray lacag dhan 21,5 milyan oo kr oo la isdaba mariyey, lacagtaas ayaa ay aheyd mi uu macaamiil u direy gaar ahaan dukaamo Pizzada iibiya oo magaalada kuyaal.

Maxamada ayaa cadeysay in aanu lacagtan isagu isticmaalin laakiin ay aheyd in uu soo sheego.

 

lacag tan ayaa laga kala diray xaruntiisa 148 jeer. waxa kale oo laga qaadey ruqsadii ogolaanshiiyaha in uu hawlaha lacagaha ka shaqeeyo sarif iyo xawilaad toona, sida uu maxkamada laga cadeeyay waa uu ka qaadijrey cadeyn dadka uu lacagta u dirayo laakiin dhamaantood muu waydiin jirin sidaas awgeed ayay maxmadu sheegtay in jabiyey sharciga dalka kuna muteystay xadhig dhan 2sanno iyo 6 billood.

 

 





©Radiohormuud.dk ®All rights reserved