Xisbiga A sociadimuqraadka oo taageeray cellinta Mohamed

posted on Friday, January 5th, 18

news image

Afhayeenka is dhexgalka ee xisbiga socialka MattiasTesfaye ayaa sheegay in kasta oo Mohamed ay taageero u muujiyeen saxaafada iyo walliba dadkii uu la shaqeynayay  in ay hadana tahay in uu maxamed dalkiisii ku laabto oo aanu ku caawino sidii looga taageeri lahaa cellinta iyo laqabsiga dalkiisii, mar la waydiiyey miyaanu dadaalin waxa uu yidhi wuu dadaaley laakiin sharci baynu sameysaney ay tahay in uu dadka si isku mida u wada qabto.

xisbiga DF ayaa isagu sheegay in aanay habayaraatee ka caawineyn cellinta lala damacsanyahay hadii uu dadaalay oo uu afka bartay iminkana shaqeeyo iyo hadii kale.

xisbiga SF ayaa isaguna taageeray.

ururka soomaalida qurbo jooga ah ayaa sheegay in arintan ay soomaalidu aad u hadal hayso maallin walbana ay la soo xidhiidhaan dad walaacsan , islamarkaasina aaney fahmaynin sabata loo celinayo qof shaqci kumeelgaadha haysta ,afka bartay,shaqeeya cashuurna bixiya.

21 jirkan soomaaliga ah ayay hada soo yaraatey rajada laga qabo in uu sii joogo wadanka Denmark , wixii la filaana waa in uu noqdo isagu ama la celliyo.





©Radiohormuud.dk ®All rights reserved