Madaxweynaha Soomaaliya oo tagay Garoowe

posted on Sunday, January 7th, 18

news image

Garoowe (RH) Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa safarkiisii ugu horreeyay tan iyo markii loo doortay xilka ku tagay magaalada Garoowe ee xarrunta Puntland.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay magaalada waxaana garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyay madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Ammaanka magaalada ayaa aad loo adkeeyay wadooyinka waa buux dhaafiyey dadweyne wata calanka Soomaaliya iyo sawirka madaxweynaha kuwaasoo ku faraxsan soo dhaweynta madaxweynaha.

Madaxwaynaha ayaa lagu wadaa in barrito uu xarigga ka jaro garoonka diyaaradaha ee cusub ee magaalada Garawe ee Kanooko oo dhawaan la dhameystiray dhismiisa.

Madaxwayne Farmaajo ayaa inta uu ku sugan yahay Puntland waxa uu kulamo la qaadan doonnaa masuuliyiinta Puntland sidoo kale waxa uu booqan doonna magaalooyin kale.

Dhinaca kale, waxaa soo baxaya warar sheegaya in madaxweynaha marka ay u dhammaato socdaalkiisa Garoowe iyo Nugaal in uu safar dhulka ah ku tagi doonno magaalooyin ku yaalla Mudug iyo Galgaduud.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Mohamed Ali



©Radiohormuud.dk ®All rights reserved