Madaxweynaha Soomaaliya oo gaaray Qardho

posted on Wednesday, January 10th, 18

news image

Qardho (RH) Madaxweynaah Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goordhow gaaray magaalada Qardho ee gobalka Karkaar.

Wafdiga madaxweynaha oo socod dhinaca dhulka uga soo ambabaxay magaalada Garoowe oo maalmahan ay ku sugnaayeen ayaaa si weyn loogu soo dhaweyay magaalada Garoowe.

Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ka mid ahaa wafdiga madaxweynaha ee gaaray magaalada Qardho.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa la hadlay dadweynaha magaalada Qadho isagoo sheegay in ay ku faraxsan yahay sida loogu soo dhaweeyay magaalada Qardho.

Waxa uu sheegay in dadka Qardho markii la doortay 8-dii Febraayo sannadkii 2017-ka ay si weyn u soo dhaweeyeen guushiisa.

Wafdiga madaxweynaha ayaa muddo labo maalin ku sugnaan doonna magaalada Qardho, waxaana intaas kaddib lagu wadaa in ay uga sii gudbaan magaalada Boosaaso ee xarrunta ganacsiga Puntland.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Mohamed Ali



©Radiohormuud.dk ®All rights reserved