Hargeysa Oo lagu Soo Gab-Gabeeyey Shir Lagu Naaqishayey Sidii Dalku U Gaadhi lahaa isku filnaansho Dhinaca Waxsoo-Saarka ah

posted on Thursday, January 11th, 18

news image

Hargeysa(RH)Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa maanta soo gabo gabeeyey shir xarunta wasaaradda horumarinta beeraha uga socday aqoon yahanada beeraha muddo sadex cisho ah oo ay kaga arinsanayeen sidii dalku isku filnaansho cunto u gaadhi lahaa.

Shirkan oo ay aqoon yahanada beeruhu ka soo saareen bayaan waxyaaba u baahan qorshaha dhaw in wax laga qabto iyo in qorshaha fog wax laga qabto ayaa waxa ka soo qayb galay madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), Wasiirka horumarinta beeraha Axmed Muumin Seed, Guddida khayraadka dabiiciga ah ee golaha wakiilada Somaliland, Agaasimaha guud ee wasaaradda Beeraha Maxamed Cilmi Aadan iyo masuuliyiin kale oo tiro badan.

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland ayaa khudbada uu ka jeediyey soo xidhitaanka shirkan waxa uu ku tilmaamay muhiimada uu leeyahay wax soo saarka beeruhu waxaanu yidhi isaga oo arrimahaasi ka hadlaya “Aqoonyahankiina waanu idin soo dhaweynaynaa albaabkayagu wuu idiin furan yahay imika wa jirta la taliyeyaasheena waxa ay noqdeen wax qof lagu naas nuujinayo oo yoom loogu abuuro oo qofka la taliyaha wasiirka ahi ama madaxweynaha u ihi waa inuu nin wax ku kordhinaya noqdo oo waxa ay noqto in meel wasiirku laba qof oo uu danaynayo ku naas nuujiyo uun”.

Wasiirka horumarinta beeraha Somaliland Mudane Axmed Muumin Seed ayaa isna khudbad ka jeediyey xidhitaanka shirka wada tashiga sidii loo gaadhi lahaa isku filnaansho cunto, waxaanu ku dheeraaday muhiimada ay leedahay inaynu wax la soo baxnaa waxaanu yidhi isaga oo arrimahaasi “Dalkiibaynu haysanaa, dalkiibaynu haysanaa markaa maxaa inaga hortaagan inaynu dalkeena wax kala soo baxno, markaa khubaradan oo isaga kala yimid gobolada dalka oo dhan markaanu kulamo badan samaynay oo galinka dambe oo aanu wasaaradda ku shaqayno waxa ay ka gayoon wayday inay khubaradani isku timaado oo halkaa wixii ka soo baxa anoo ah wasiirkii beeraha aan halkaasi ka sii amba qaado”.

Wasiirka oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi “Waxaan dareemayaa oo aan ka wasaarad ahaan dareemayaa shacabka Somaliland-na dareemayaan in wax soo saarka dalkeenu hooseeyo, maxaa hooseysiiyey ayaa la is weydiiyey, halkana waxa ka soo baxay qodobo dhawr ah qaarna ay ahaayeen qaar yaalay qaar cusubina ay ku jiraan, wasaaradda waxa jooga dad wanaagsan oo u baahan in laga shaqaysiiyo inta wasaaradda dibada ka joogtayna noqon mayso kulan maanta intay isugu yimaadeen maskaxda intay tuujiyeen ay iska noqdaane, waxaananu isku dayi doonaa inaanu kulamada noocan oo kale ah xoojin doono bilena ka dhigno”.

Agaasimaha guud ee wasaaradda horumarinta beeraha Somaliland Maxamed Cilmi Aadan oo isna khudbad ka jeediyey xidhitaanka shirka ayaa waxa uu yidhi “Arintani waxa ay u calaamadsanaanaysaa haklee maanta aynu ka dhaqaaqaynaa, waxaa kale oo madaxweyne ku xigeen sharaf noo ah inaad fursad u heshay madaxweyne ku xigeenkii u horeeyey ee Somaliland ee jeer soo noqday ee la shaqeeyey laba madaxweyne oo isna xogtii todobada sano haya, halkaasina noqonayso meel laga wada dhaqaaqo, waxaasi oo dhana waa fursadaha aynu haysano, waxaana laga maarmaan ah sidii aynu barnaamijkaasi kolba wixii suurto gal ah hay’ad, dawlad, baacaymushtar iyo beeralayba aynu ugu talo gali lahayn beeraha, waxaanan leeyahay aynu dadka inoo soo shaxaad taga aynu mustaqblka dhaw siino raashin oo marka qofku wax ii dhiib yidhaahdo aad tidhaahdo waxba ma hayee halkaa saxaarad saytuuna ka sii qaado”.

Aqoon yahan Axmed Cilmi Geed oo ku hadlayey afka aqoonyahanka beeraha ee bayaanka ka soo saaray sadex maalmood oo ay ka shirayeen sidii dalku isku filnaansho cunto u gaadhi lahaa ayaa waxa uu tilmaamay inay soo jeedimahani yihiin kuwa kooban, isla markaana loo baahan yahay sidii looga midho dhalin lahaa.

Aqoon yahanka oo arrimahaasi ka hadlayaa waxa uu yidhi “Wax soo saarka beeraha, Kaluumaysiga, biyaha iyo wixii kale ee la midka ah ka mid yihiin waxa ay u baahan yihiin anagana maskaxdayadii nala noqotay inay u baahan yihiin qodobada aanu bayaanka ka soo saarnay oo ay ka mid yihiin, wax ka qabashada xaalada is bedelka cimilada,Tayeynta wasaaradda beeraha, tayeynta shaqaalaha oo halka uu qof walba ku haboon yahay la gaynayo, sameynta wacyigalin dhinac walba ah miisaaniyada loo kordhiyaa, in wasaaraddu dejiso, ansixisana qorshaha dhaw iyo nidaamka beerashada, in la sameeyo dhulka wax soo saar ku haboon gobol kasta, in wasaaraddu xoojiso xidhiidhka wada shaqaynayneed ee gobolada (Beeralayda) iyo qodobo kale oo badan oo bayaanku xusayo”.

Guddoomiyaha guddida khayraadka dabiiciga ah ee golaha wakiilada Somaliland oo madashaasi ka hadlay ayaa soo dhaweeyey talaabada wasiirka cusub ee wasaaradda horumarinta beeruhu isugu yeedhay aqoonyahanada ku takhasusay arrimaha beeraha si ay uga fikiraan siyaabaha ugu wanaagsan ee loo gaadhi karo isku filnaansho dhanka cuntada ah, waxaanu yidhi isaga oo arrimahaasi ka hadlaya “Waxaan aad ugu mahadnaqayaa wasiirka cusub haddii talaabadii u horeysay uu ka dhigay inuu ururiyo wixii aqoon ahaa waan arkay qodobada ka soo baxay waana qodobo lagu duuli karo meel wax laga bilaabo ayaanay soo saareen, waliba aan codsan lahaa inaanay halkaa kaga hadhin ee ay si mutadawacnimo ah ula shaqeeyaan wasiirka iyo wasaaraddaba”.


Radio Hormuud
Studio 2
Hargeysa/Somaliland 

Wariye Maxamed jiciir Aw Axmed



©Radiohormuud.dk ®All rights reserved