Shirwaynihii 7-aad Ee Xisbiga TPLF Oo ka Furmay Magaalada Maqalle ee Dalka Ethiopia

posted on Thursday, January 11th, 18

news image

Maqale(RH)Waxaa Maanta si rasmi ah xarunta deegaanka tigray ee magaalada maqale uga furmay shirwaynihii 7aad ee xisbiga TPLF ee deegaanka tigray oo ay kasoo qaybgaleen in kabadan 2,500 oo xubnood oo kakala socda 4ta xisbi ee kumidoobay xisbiga EPRDF iyo 5ta xisbi ee bahwadaagta la ah islamarkaana lagu martiqaaday hogaaminta sare ee xisbiyada EPRDF kubahoobay iyo xisbiyada bahwadaagta la ahba.

 U jeedada shirarkan balaadhan ayaa ah kuwo lagu dhaadhicinayo qiimayntii qotoda dheerayd ee ay galeen xisbiyada kumidoobay xisbiga EPRDF islamarkaana kor loogu qaadayo geedi-socodyada horumarineed, nabadgelyo iyo nidaamka maamulka suuban ee dhamaan xisbiyada dalka si uu dalku uga mid noqdo wadamada uu dhaqaalahoodu dhex dhexaadka yahay.

Geesta kale wafti balaadhan oo ka kooban 25 xubnood oo ay hogaaminayaan gudoomiye kuxigeenka XDSHSI ahna madaxwaynaha DDSI  Cabdi Maxamuud Cumar iyo gudoomiyaha XDSHSI ahna afhayeenka golaha xildhibaanada DDSI Maxamedrashiid Isaaq oo uu  weheliyo madaxwayne ku xigeenka ahna wasiirka xafiiska horumarinta magaalooyinka Iyo Dhismaha DDSI  Cabdixakiin Cigaal Cumar iyo mas'uuliyiin kale ayaa uga qaybgalay XDSHSI shirwaynahan 7aad ee xisbiga TPLF. Waxaana xusid mudan inuu XDSHSI uu shirwayne balaadhan oo lamid ah shirwaynahan xisbiga TPLF uu 7aadkan soo socda ku qabanayo degmada raaso ee gobolka afdheer ee DDSI.

Radio Hormuud
Studio 2
Hargeysa/Somaliland 

Wariye Maxamed jiciir Aw Axmed



©Radiohormuud.dk ®All rights reserved