Madaxda DDSI iyo ONLF oo shir uga furmay Nairobi

posted on Sunday, February 11th, 18

news image

Nairobi (RH) Magaalada Nairobi ee caasimadda Kenya, waxaa maanta si rasmi ah uga furmay wada hadalo nabadeed oo u dhexeeya madaxda dowlad deeganka Soomaalida ee Ethiopia iyo jabhadda ONLF.

Shirkan ayaa waxaa garwadeyn ka ah dowladda Kenya.

Magaalada Nairobi waxaa gaaray wafdi uu hoggaaminayo madaxweynaha dowlad deeganka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar.

Wafdiga Cabdi Maxamuud Cumar waxaa ka mid ah Jeneraal Gabre oo ah sarkaal Itoobiyaan ah oo aad looga yaqaanno Soomaaliya.

Cabdi Maxamuud Cumar waxaa Nairobi ku soo dhaweeyay, xildhibaanno ka tirsan dowladda Kenya, wasiirkii horre ee gaashandhigga Kenya, Maxamed Yuusuf Xaaji iyo danjiraha QM u qaabilsan arrimaha qaxootiga Soomaaliya Maxamed Cabdi Affeey.

Duqa magaalada Gaarisa Cali Bunow Qorane oo ka mid ah saraakiisha Kenya u qaabilsan dhex dhaaxdinta DDSI iyo ONLF ayaa bartiisa Twitterka ku soo qoray in wadahadalada labada dhinac ay soo socdeen muddo lix sanno ah isla markaanna ay soo qaateen marxalado kala duwan.

Shirkan ayaa daba socda shirar horre uga dhacay waddamada Sudan iyo Kenya, iyadoo ONLF ay muddo dheer la soo dagaallameysay dowladda Itoobiya.

ONLF ayaa muddo soddon sanno ka badan ka dagaallamaysay gobolka Soomaalida Ethiopia ee Ogaden. Gobolka Ogaden ayaa waxa intiisa badan deggan dadka Soomaalida.Magaalada Nairobi ee caasimadda Kenya, waxaa maanta si rasmi ah uga furmay wada hadalo nabadeed oo u dhexeeya madaxda dowlad deeganka Soomaalida ee Ethiopia iyo jabhadda ONLF.

Ilo Xog-ogaal ah oo ku sugan Nairobi, ayaa u sheegay Soomaalikabe, in shirkan ay garwadeen ka tahay xukuumadda Nairobi.

Magaalada Nairobi waxaa gaaray wafdi uu hoggaaminayo madaxweynaha dowlad deeganka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar.

Wafdiga Cabdi Maxamuud Cumar waxaa ka mid ah Jeneraal Gabre oo ah sarkaal Itoobiyaan ah oo aad looga yaqaanno Soomaaliya.

Cabdi Maxamuud Cumar waxaa Nairobi ku soo dhaweeyay, xildhibaanno ka tirsan dowladda Kenya, wasiirkii horre ee gaashandhigga Kenya, Maxamed Yuusuf Xaaji iyo danjiraha QM u qaabilsan arrimaha qaxootiga Soomaaliya Maxamed Cabdi Affeey.

Duqa magaalada Gaarisa Cali Bunow Qorane oo ka mid ah saraakiisha Kenya u qaabilsan dhex dhaaxdinta DDSI iyo ONLF ayaa bartiisa Twitterka ku soo qoray in wadahadalada labada dhinac ay soo socdeen muddo lix sanno ah isla markaanna ay soo qaateen marxalado kala duwan.

Shirkan ayaa daba socda shirar horre uga dhacay waddamada Sudan iyo Kenya, iyadoo ONLF ay muddo dheer la soo dagaallameysay dowladda Itoobiya.

ONLF ayaa muddo soddon sanno ka badan ka dagaallamaysay gobolka Soomaalida Ethiopia ee Ogaden. Gobolka Ogaden ayaa waxa intiisa badan deggan dadka Soomaalida.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Mohamed Ali



©Radiohormuud.dk ®All rights reserved