Xukuumada Somaliland Oo Go”aan ka Soo Saartey Kor U Kac ku Yimid Qiimaha Shidaalka

posted on Sunday, February 11th, 18

news image

Hargeysa(RH)Xukuumada Somaliland ayaa  Go”aan ka Soo Saartey Kor U Kac ku Yimid Maalmihii u dambeeyey Qiimaha Shidaalka gaar ahaana Naaftada iyo baatroolka.Shir ay Maanta si wada jira Magaalada Hargeysa Ugu Yeesheen Xubno ka mida Golaha Wasiirada Xukuumada Somaliland iyo ganacsatada keenta shiidaalka ayaa layskula qaatay qiimaha lagu iibin Doono shidaalka.


Wasiirka ganacsiga, warshadaha iyo dalxiiska somaliland Maxamuud Xasan Saajin oo warbaahinta la Hadley ayaa ka waramay kulanka ay la qaateen ganacsatada shiidaalka waxaanu yidhi “Markii aanu isku nimid anaga oo eegayna danta dadweynaha, si fiican ayaanu wada hadalnay waxaana meesha ku jiray laba shay kuwaas oo kala ah, qiime kordhin ay sameeyeen dadka shiidaalka keenaa iyo mid ay kordhiyeen

dadka kaalmaha wax ku iibiya, dadka shiidaalka dibada ka keenaya suuqa ayaa keenay inay qiimaha kordhiyaan laakiin dadka kaalmaha ku iibiya maanu arag wax daruuri ka dhigaya inay qiimaha shiidaalka kordhiyaan, iyagana waxaanu ku nidhi wax ka tanaasula, waxaanan meesha ka saaraynaa kordhinta ay sameeyeen dadka kaalmaha wax ku iibiyaa.”


Wasiirka ganacsiga oo soo bandhigaya qiimaha lagu iibin karo shiidaalada kala duwan ayaa waxa uu yidhi “Maanta laga bilaabo halka litir ee naaftada ah waxa lagu iibin karaa 7200 shilinka somaliland ah, korna uma dhaafi karto, Patroolkana 8200 shillionka somaliland ah koru ma dhaafi karo, halkii maalmahan lagaga iibiyey naaftada 7500, Patroolkana 8500, ganacsatadana way ku mahadsan yihiin sida fiican ee ay wax noola qaateen.

Radio Hormuud
Studio 2
Hargeysa/Somaliland

 

Wariye Maxamed Jiciir Aw Axmed



©Radiohormuud.dk ®All rights reserved