Munaasibada Xuska 7aad Ee Ciidanka Qaranka Dalka Ethiopia Oo laga Xusay Magaalada Jig-jiga

posted on Monday, February 12th, 18

news image

Jig-jiga(RH)Waxaa maanta Magaalada Jig-jiga ee caasimada Dowlad Deegaanka Soomaalida itoobiya laga Xusay Munaasibada xuska 7aad ee ciidamada qaranka dalkeena itoobiya oo guud ahaanba maanta laga xusay dalka oo dhan.

Munaasabadan oo ahayd mid si qurux badan loo soo agaasimay ayaa waxaa ka soo qaybgalay masuuliyiinta iyo saraakiisha ciidamada qaranka qaybta ka hawlgasha Deegaanka, masuuliyiinta iyo saraakiisha ciidanka booliska gaarka ah ee DDSI, masuuliyiinta saraaka ciidamada kala duwan ee amniga DDSI, masuuliyiinta maamulka magaalada jigjiga iyo marti sharaf kale

cudubyada kala duwan ee ciidamadu ku soo mareen gaardo ka ciyaar wadooyinka waawayn ee caasimada deegaanka ee jigjiga waxayna, ka sokow xuskan ciidanka ee la xusayay maanta dhinaca ciidamada kala duwan ku taageerayeen wabiga dib u curashada dalkeena itoobiya ee Abay iyaga oo iibsanayay bondhiga wabiga abay taasi oo ay ugu talagaleen in ay ku sii xoojiyaan dadaalka ay ugu jiraan hirgalinta dhismaha wabiga abay

Waxaana ugu horayntii furay munaasabadan madaxa xafiiska maayirka maamulka magaalada jigjiga mudane Cabdicasiis Mahad oo sheegay in uu ku faraxsan yahay munaasabadan 7aad ee sida quruxda badan loogu maamusay caasimada deegaanka ee jigjiga wuxuuna sheegay in ay aad u soo dhawaynayaa ka maamul magaalo ahaan munaasabadan iyo sidoo kale ka qaybgalka ciidamada kala duwan ay kaga qaybqaateen taageerada wabiga dib u curashada abay.

waxaa ka hadlay munaasabadan komoshineerka komishinka booliska DDSI mudane Farxaan Daahir oo ka warbixiyay ahmiyada iyo ujeedooyinka munaasabadan iyo guulaha ay soo hooyeen ciidamada qaranka iyo ciidamada kala duwan ee amniga deegaanka wuxuuna komishineerku ugu mahad celiyay ciidamadan kala duwan sida muwaadin nimada leh ee ay uga qayb-qaateen hirgalinta nabadgalyada dalka iyo sidoo kale ka qaybgalka wabiga dib u curashada dalkeena itoobiya.

waxaa ka hadlay munaasabadan taliyada kifla doorka 38aad ee ciidanka difaaca qaranka JDFI kornayl Xayle Tasfaye oo sharax dheerka bixiyay guulaha waawayn ee ciidanka difaaca qaranku ka soo hooyeen hirgalinta iyo nabadgalyada guud ahaanba dalka iyo waliba sidoo kale guulaha ay ka soo hooyeen nabadgalyada wadamada dariska wuxuuna sheegay koraylku in ay sii laba jibaarayaan ciidanka qaranku dalaalka ay ugu jiraan joogtayna nabadgalyo waara oo aan soo noqlahay.

Ugu dambayntii waxaa ka hadlay munaasabadan hogaan ku xigeenka nabadgalayada maamulka iyo cadaalada mudane Ahmed Maxamuud Axmed oo si qoto dheer uga warbixiyay guulaha ciidamada kala duwan iyo shacabka DDSI ka soo hooyeen hirgalinta nabadgalyada deegaanka iyo guud ahaanba dalka islamarkaana sii xoojinayaan dadaalka muga leh ee ay soo wadeen sanadihii ugu dambeeyay wuxuuna ku amaanay ciidamda kala duwan ee amniga deegaanku sida ay munaasabadan ugaga qayb-qaateen taageerada wabiga dib u curashada dalkeena itoobiya.

Radio Hormuud
Studio 2
Hargeysa/Somaliland

 

Wariye Maxamed Jiciir Aw Axmed



©Radiohormuud.dk ®All rights reserved