Somalia

Baydhaba (RH)-Magaalada Baydhaba waxaa maanta duhurkii ka furmay shirka amniga qaranka Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa si rasmi ah shirka u furay, waxaana ka qeybgalaya xubnaha gudaha amniga qaranka oo ay qeyb ka yihiin madaxda dowladda federaalka, duqa Muqdisho iyo madaxweynayaasha maamul goballeedyada.

Shirka ayaa diiradda lagu saari doonaa qodobo ay ka mid yihiin amniga guud ee dalka,hannaanka federaaleynta iyo qeybsiga kheyraadka, doorashooyinka 2020, tayeynta & isku dhafka ciidamada Soomaaliyaa.

Hargeysa (RH)-Diyaarad sidday 50 dhallinyaro Soomaali ah oo dhawaan laga soo celiyey dalka Libya ayaa shaley laga celiyey garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa.

Diyaaradda ayaa la sheegay in ay ka duushay garoonka Muqdisho, waxaana markii ay ku soo dhaweyd garoonka lagu wargaliyey in aysan soo degi karin oo ay dib ugu laabato goobta ay ka timid sida ay lee yihiin ilo xog-ogaal ah.

Baydhaba (RH)-Magaalada Baydhaba waxaa maanta oo Axad ah gaaray madaxda dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa maamul goballeedyada.

Madaxweynaha Soomaaliya, ra'iisal wasaaraha, madaxweynayaasha Puntland, Jubbaland, Galmudug iyo HirShabeelle ayaa xilliyo kala duwan ka dagay garoonka diyaaradaha Shaati-Guduud ee magaalada Baydhaba.

Madaxda waxaa soo dhaweeyey shacabka magaalada Baydhaba iyo madaxda maamulka Koonfur galbeed oo ugu horreyo madaxweynaha Shariif Xasan Shiikh Aadan.

Punland ayaa ka hadashay dagaal culus oo saaka hiiradii ka qarxay deeganka Tukaraq ee gobalka Sool.

Dagaalka u dhexeeya ciidamada Somaliland iyo kuwa Puntland ayaa la sheegay in uu geestay khasaaro soo kala gaaray labada dhinac balse si dhab ah looma oga inta uu gaarsiisan yahay.

Afhayeenka Puntland Cabdullaahi Maxamed Jaamac (Quraan-Jecel) oo saxaafadda kula hadlay Garoowe ayaa ku eedeeyay Somaliland in ay dagaalka soo qaadeen isla markaan ay khasaaro xoog leh gaarsiiyeen sida uu hadalka u dhigay.

Laasacaanood (RH)-Wararka ka imaanaya deeganka Tukaraq ee gobalka Sool, ayaa sheegaya in halkaas uu ka socdo dagaal u dhexeeya ciidamada Somaliland iyo Puntland.

Taliyaha guud ee ciidamada millitariga Somaliland Sareeye gaas Nuur Ismaacil Taani ayaa warbaahinta u xaqiijiyey dagaalka dib uga qarxay Tukaraq, isagoo sheegay in dagaalka ay soo qaadeen ciidamada Puntland oo soo weerarray fadhiisin ciidamada Somaliland ay ku sugnaayeen.

Ma jirto illaa hadda wax war ah oo ka soo baxay Puntland oo ku aadan dagaalka dib uga qarxay Tukaraq.