Radio Hormuud Studio 2 Hargeysa/Somaliland

Hargeysa(RH):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta daah-furay shir caalami ah oo lagu lafo-gurayo, lagagana doodayo nabadda iyo dawlad-dhiska, kaas oo uu soo qabanqaabiyey  machadka weyn ee The BRENTHURST Foundation ee uu hoggaamiyo Dr. Greg Mills.

Hargeysa(RH):-Fadhigii 92aad ee Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland oo uu shir gudoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, mudane Muuse Biixi Cabdi kuna wehelinayey madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa lagaga hadlay qodobbo door ah oo taabanaya nolosha Bulshada.

Hargeysa(RH):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabiley safiirka Midowga Yurub, Amb. Tiina Intelmann oo ay wehelinayeen Safiirka Sweden Amb. Per Lindgarde iyo Maria Groeneveld oo ka socotay Xafiiska Midowga Yurub ee Nairobi.

Hargeysa(RH):-Shir uu gudoominayey Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo kulan la qaatay culimada dalka iyo qaar ka mida shirkadaha ka shaqeeya arrimaha Xajka ayaa lagu lafo-guray caqabadaha soo wajahay Dadka reer Somaliland ee ku saabsan gudashada waajibaadka xajka gaar ahaan qoondada 350-ka ah ee loo qorsheeyey guud ahaan Jamhuuriyadda Somaliland.

Hargeysa(RH):-Ciidanka Booliiska Somaliland ayaa heegan buuxa la galiyay, kadib mudaharadadii ay ku baaqeen xisbiyada mucaaradka Somaliland.

Taliyaha Ciidanka Booliiska Somaliland Maxamed Aadan Saqadhi Dabagale, oo ciidamo booliis ah u kala diray xaafadaha magaalada Hargaysa, ayaa ku goodiyay in ciidanku ay gacan adag ku qaban doonaan cidkasta oo amni daro abuurta.

Hargeysa(RH):-Dallada guud ee Ururada aan dowliga ahayn ee  Somaliland ee SONSAF ayaa  War-Saxaafadeed ka soo-saartey Khilaafka Axsaabta Siyaasadda Somaliland ,isla markaasina waxay Dallada  SONSAF walaac wayn ka muujisay hakadka ku yimid wada-hadaladii u dhexeeyey Xisbiyada Mucaaridka Somaliland iyo xukuumada ee lagu xalinayay khilaafka ka dhashay Furista Ururada Siyaasada Somaliland iyo Doorashooyinka Soo socda .

Hargeysa(RH):-Wasiirka wasaarada Warfaafinta ,Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland ahna afhayeenka xukuumadda Somaliland  Md Saleebaan Yuusuf Cali Koore ayaa ka hadlay xaaladda siyaasaddeed ee dalka Somaliland, isaga oo tilmaamay in la joogo xiligii dalku hore u socon lahaa, isla markaana la ilaalin lahaa wada jirka iyo nabadgelyadda dalka, isla markaana si xasiloon  loo wada hadli lahaa.

Hargeysa(RH):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo xubno uu hoggaaminayo oo katirsan goleyaasha kala duwan ee Qaranka, ayaa maanta safaaradda ay dalka isu-tagga  Imaaraadka carabtu ku leeyihiin gudaha Somaliland kusoo saxeexay buugga tacsida ee madaxweynihii geeriyooday ee dalkaasi, Marxuum Sheekh Khalifa Bin Zayed Al Nahyan oo dhawaan geeriyooday.

Hargeysa(RH):-Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland, Garyaqaan Aadan Xaaji Cali Axmed, ayaa maanta Madaxweynaha Qaranka hortiisa ku dhaariyey Xubnaha guddida diiwaangelinta Ururrada iyo axsaabta siyaasadda ee ay dhawaan ansixiyeen golaha wakiilladu intoodii badnayd, kuwaas oo tiradoodu dhan tahay 4 (Afar) xubnood.

Hargeysa(RH):-Waxaa maanta gobolada,degmooyinka iyo deegaanada kala duwan ee somaliland guud ahaan si balaadhan looga xusay munaasibada Xuska 31 guurada maalinta qaranimada Jamhuuriyada Somaliland ee 18 may