Radio Hormuud Studio 2 Hargeysa/Somaliland.

Addis-Ababa(RH)Baarlamanka dalka Ethiopia ayaa maanta ansixiyey qaraar ururada ONLF, OLF iyo Ginbot 7 ee dalkaas ka saaraya liiska argagixisada, sida ay sheegtay warbaahinta dowladda ee Fana.

Baarlamanka ayaa qaraarkan ku ansixiyey cod aqlabiyad leh. Golaha wasiirada ayaa qaraarkan waxa uu baarlamanka u gudbiyey sabtidii tagtay.

Hargeysa(RH)Golaha Guurtida Somaliland ayaa waxaa ka dhex  Taagan Khilaaf Xoogan kaasi oo sababay in Xildhibaano Golaha Guurtida Somaliland ka tirsani keenaan  mooshin la doonayo in xilka laga qaado Guddomiyha Golahaasi Saleebaan Maxamuud Aadan waxaanay qaar ka tirsan xildhibaanadu ay soo jeediyeen in dib loo furo xeer-hoosaadka Golaha kaas oo awaadda golaha oo dhan siinaya Guddoomiyaha Guurtida

Addis-Ababa(RH)Raisul Wasaaraha Dalka JDFI  Dr Abiyi Ahmed oo la hadlay guud ahaan dhalinyarta dalka itoobiya gaar ahaan dhalinyarada deegaanada soo koraya khaasatan dhalinyarta DDSI ayaa carabka ku dhuftay magaalada jigjiga ayaa ugu horayn uga mahadceliyay banaabaxyadii taageerada ahaa ee ay ficilka ku muujiyeen islamarkaana ay kutaagarayeen waxqabadkii uu raisal wasaaraha dalku kutalaabsaday mudada gaaban.

Muqdisho(RH)Wafti ka socda dawladda Qatar ayaa maanta soo gaadhay Caasimmadda Soomaaliya ee Muqdisho ayaa kulan la yeeshay Ra'iisul Wasaaraha

Xukuummada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre oo ay ka wada hadleen horumarinta dekadaha Soomaaliya.

 

Wasiirka dekadaha iyo gaadiidka Badda Xukuummadda Federaalka  Soomaaliya Marwo Maryan Aweys Jaamac oo kulanka qeyb ka aheyd ayaa