Xukuumdda Somaliland Oo War Walaac Leh Ka Soo Saartay Xaalada Covid-19

Xukuumadda Somaliland ayaa walaac ka muujisay xaalada kor u kaca cudurka Covid19 oo mar kale ku soo laba kacleeyey Dalka.

Heerka kor u kaca cudurka ayaa laga dareemayaa tirada dadka laga baadhay iyo kuwa laga helay labadii bilood ee u dambeeyey, iyadoo bishan September ee lagu jiro laga helay in ka badan laba boqol oo qof.

Tirada dhimashada ayaa bishan lagu sheegay inay kor u dhaaftay konton qof.

Sidaasina waxa sheegay Wasiirka Wasaaradda horumarinta Caafimaadka Xasan Cali Gaafaadhi oo  ka hadlayey kulan ay Guddida ka hortagga Covid19 ku yeesheen qasriga Madaxtooyada.