22-jirta Mai oo ku dhaawacantay shil gaari: "Waxaan rumeysanahay in hooyadey ay i badbaadisay"

Dhowr bilood ka hor intaanu shilku dhicin, 22-jirta Mai Valentin Larsen waxay aragtay riyo aysan marnaba illoobi karin. Wax yar ka dib, waxay ku dhex go’doontay gaari burburay, iyadoo ku soo toostay dhaawacyo halis ah iyo nolol gabi ahaanba isbedeshay. Maanta, iyadoo jiifta cusbitaalka, waxay dareemaysaa inay waajib ku tahay inay sheegto hal shay oo ay ka barato xaaladda ay ku jirto.

RH KOLDING: Dhowr bilood ka hor intaanu shilku dhicin, Mai Valentin Larsen waxay aragtay riyo gaar ah. Waxay ku riyootay iyada iyo hooyadeed oo saaran doon yar (kajak), biyaha agagaarkooduna ay aad u degan yihiin, sidii in waqtigu istaagay. Hooyadeed ayaa eegtay oo ku tiri: “Mar walba waan ku ilaalin doonaa.”

Maanta, Mai waxay kaligeed fadhidaa qolka 36-aad ee Cusbitaalka Kolding. Waxaa laga joogaa wax ka yar laba toddobaad tan iyo markii ay dhaawacyo halis ahi ka soo gaareen shil gaari. Gaarigii uu waday walaalkeed ka yar ayaa ku siibtay waddo baraf ah, waxaana si fool-ka-fool ah ugu dhacay gaari kale.

Mai waxay qabtaa dhaawacyo iskugu jira: gariir maskaxda ah, miskaha oo labada dhinacba ka jabay, iyo jabniin xagga dhabarka, feeraha iyo cududda midig ah.

"Ma garanayo waxaan samayn lahaa haddii aysan kalkaaliyayaashu i caawin lahayn... Aad ayaan ugu mahadcelinayaa, waxaana u baahanahay inay ogaadaan - kaliya iyaga maahan, laakiin dhammaan nidaamka caafimaadka," ayay tiri iyadoo ilmo iska tirtiraysa.

Wixii dhacay habeenkaas

Habeenimadii Jimcaha ee 9-kii Janaayo, Mai waxay walaalkeed u kaxaysay Kolding Storcenter si ay casho ugu soo wada cunaan. Waxay ku soo casheeyeen maqaayadda Mr. Döner. Waxay xasuusataa dukaamada qaar ee ay ka soo iibsadeen dhar iyo agab, laakiin wixii intaas ka dambeeyay xasuustu waa ka madow dahay.

Inta kale waxaa looga sheekeeyay ka dib markii ay soo miyirsatay. Iyadoo guriga ku sii socda, walaalkeed ayaa lumiyay xakameynta gaariga sababo la xiriira barafka iyo dabaysha xooggan ee waddada Brunkær. Shilku wuxuu dhacay dhowr daqiiqo oo qura ka hor intaysan gaarin gurigooda.

Mai waxay fadhiday kursiga rakaabka, waxayna ku dhex go’doontay biraha gaariga. Kooxda dab-demiska ayaa u yimid inay ka soo saaraan burburka ka hor kula cararkii cusbitaalka. Halka walaalkeed uu isagu ka badbaaday dhaawacyo culus.

Geesinimada dadka deegaanka iyo caafimaadka

Mai waxay si gaar ah u xasuusataa sheeko loo sheegay: haweeney daris ah ayaa maqashay dhawaqa shilka, wayna soo baxday. Waxay fariisatay Mai gadaasheeda, iyadoo si degan ula hadlaysay, si aysan Mai u dhaqdhaqaaqin ilaa gurmadku ka imaanayo.

"Anigu ma xasuusto, laakiin waxaa la ii sheegay inay ila hadlaysay waqtigaas oo dhan. Taasi macno weyn ayay ii leedahay," ayay tiri Mai.

Waxay sidoo kale aad u amaantay shaqaalaha cusbitaalka: "Ma i eegaan si ay iigu naxariistaan, waxay igu yiraahdaan: 'Waa aad xoog badan tahay. Waa aad ka gudbi doontaa tan.'"

Sanad murugo leh

Waxa dareenkeeda sii xoojinaya ayaa ah in sanadkii hore uu ahaa mid aad u adag. Bishii Juun ee sannadkii hore, Mai hooyadeed ayaa geeriyootay iyadoo 44 jir ah, ka dib markii ay u dhimatay cudurka kansarka. Isla sanadkaas, waxay sidoo kale weysay eeddadeed iyo awooweheed.

"8,008 maalmood"

Cududda Mai waxaa ku sawiran tattoo (astaant) leh nambarka 8,008. Taas oo u taagan tirada maalmihii ay nolosha la qaadatay hooyadeed.

Mai waxay aaminsan tahay in hooyadeed ay ka dhabaysay hadalkii ay riyada ugu sheegtay. "Waxaan hubaa in hooyadey ay gacanta igu haysay xilligii shilka," ayay tiri iyadoo kalsooni muujinaysa.

Waxa ugu horreeya ee ay samayn doonto marka laga soo bixiyo cusbitaalka ayaa ah inay guriga ugu tagto eydeeda ay jeceshahay ee Coco iyo Fifi. Waxayna dadka kale kula talinaysaa: "Waa inaan baranaa inaan nolosha ku  mahadnaqbi, oo aan ku dhiirano inaan dareenkeena sheegno."

 

xigasho Wargeyska JV. 

Tarjumaad: Maxamed-Amiin Siyaad Cabdi

Category