Laasacaanood (RH)-Magaalada Laasacaanood, waxaa saaka looga dhawaaqay liiska iyo tirada xildhibaannada maamulka cusub ee Waqooyi Bari Soomaaliya.
Liiska la shaaciyay oo ka kooban 83 xildhibaan, waxaa ku jira kaliya afar dumar ah.
Sida loo qaybsaday xildhibaananda ayaa kala ah:-
- 1-Sanaag iyo Hayland waxaa la siiyay 37 kursi,
-2-Gobollada Sool, Ceyn ama Togdheer la siiyay 46 kursi.
Ma cadda in tiradan xildhibaannada la shaaciyay in lagu heshiin doono iyo in kale, mana jirto wax war ah oo ka soo baxay illaa hadda dhinacyada ku howlan dhismaha maamulkan cusub.
Maamulka Waqooyi Bari Soomaaliya, waxa uu noqday maamulkii lixaad ee heer federaal ee hoosta dowladda federaalka Soomaaliya.
Halkan hoose ka akhriso liiska xildhibaannada cusub ee maamulka Waqooyi Bari Soomaaliya.



Radio Hormuud
Studio 3
Mogadishu Somalia