Bandhiggii 14aad Ee Carwada Buugaagta Caalamiga Ah Ee Hargeysa Oo la Daah-furey

Hargeysa(RH):- Bandhigga 14aad ee carwada buugaagta caalamiga ah ee Hargeysa ayaa maanta si rasmi ah uga furantey Magaalada Hargeysa.

Waxaana ka soo qayb galay madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Ismaaciil Saylici, xubno ka mid ah golaha wasiirrada, maayarka caasimadda Hargeysa, Axsaabta qaranka, madax ka socotay dalalka jaarka ah ee Jabuuti, Itoobiya, Kenya, madax kale oo caalamka ah, safiirka midawga Yurub, wakiilka Ingiriiska ee Somaliland, ganacsato, shirkado iyo bahda qoraalka iyo akhriska.

Ugu horreyn waxa halkaasi ka hadlay guddoomiyaha xarunta dhaqanka ee Hargeysa Jaamac Muuse Jaamac, waxaana uu sheegay in bandhigga carwada buugaagta ee Hargeysa la isaga kala yimid 21 dal oo adduunyada ah, iyadoo halkudhigga sannadkan ay qaateenna uu yahay ‘Daris wanaag’, waxaana uu soo dhaweeyay marti sharaftii kasoo qayb gashay bandhigga carwada 14aad ee buugaagta Hargeysa.

Madaxweyne ku xigeenka JSL mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici oo furay carwada bandhigga buugaagta caalamiga ah ee Hargeysa ayaa u mahad’celiyay wufuuddii kasoo qayb gashay bandhigaasi, waxaana uu tilmaamay in carwooyinka buugaagta ee sidanoo kale loo qabto ay isku dhex gasho qaybaha kala duwan ee bulshadu, isagoo ugu baaqay dhalinyarta iyo ardaydaba inay ka faa’ideystaan bandhigaasi muddada u socdo.

Dhanka kale, madaxweyne ku xigeenku waxa uu ku ammaanay xarunta dhaqanka ee Hargeysa sida hagar la’aanta ah ee ay sannad walba u qabtaan carwada buugaagta ee Hargeysa, isagoo ugu baaqay inay halkaasi ka sii wadaan dedaalka ay ugu jiraan aqoonta iyo akhriskeeda.

Wasiirka wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo wecyi’gelinta Jsl Saleebaan Yuusuf Cali (Koore) oo isna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay inay soo dhaweynayaan carwada buugaagta Hargeysa oo kulmisay aqoonyahanka iyo qalinlayda Somaliland iyo caalamka, isagoo intaas ku daray in wasaarad ahaan ay samaynayaan meel lagu soo eego buugaagta ka hor intaan la daabicin, si looga hortago in la qoro wax diinta iyo dhaqanka umadda kasoo horjeeda.

Wasiirku waxa uu intaas ku daray inay xoogga saari doonaan sidii loo sixi lahaa buugaagta lagu qoro Somaliland si looga baaqsado wixii umadda iska hor keenaaya.

Gebo-gabadii qaar ka mid ah qalinlayda iyo aqoonyahanka Somaliland oo halkaas ka hadlay ayaa sheegay in carwada buugaagta ee Hargeysa sannad walba lagu soo bandhigo wixii aqoon iyo buugaag ah ee la daabacay sannadkaasi iyo aqoonta kale ee caalamka kasoo korodha, waxaana ay ugu baaqeen ardayda iyo akhristiyaasha kala duwan inay ka faa’ideystaan carwada buugaagta ee Hargeysa muddada ay socoto.

 

Category