Booliska Soomaaliya oo ka warbixiyay qarax ka dhacay Muqdisho

Muqdisho (RH)-Afhayeenka ciidamada booliska Soomaaliya, Cabdifataax Aadan Xasan ayaa faah-faahin ka bixiyay qasaaraha ka dhashay qarax maanta barqadii ka dhacay  agagaarka isgoyska KM4 ee magaalada Muqdisho.

Waxa uu sheegay qaraxa inay ku dhaawacmeen toddobo qof oo rayid ah uuna qaraxa fuliyay qof isku xiray wax yaabaha qarxa.

Ururka Al-Shabaab ayaa sheegtay masuuliyada qaraxa, waxaana ay sheegeeg in ay bartilmaameesteen kolonyo u socotay xerada Afisyooni oo ay ka socoto khudbadaha musharrixiinta u taagan xilka madaxweynaha, ma cadda illaa hadda tirada rasmiga ah ee ku wax yeelowday qaraxa maanta ka dhacay Muqdisho.

Qaraxan ayaa ku soo aaday xill maanta magaalada Muqdisho ka billaabatey khudbadaha ay jeedinayaan musharrixiinta u taagan xilka madaxweynaha Soomaaliya, kuwaasoo xildhibaannada labada aqal u soo bandhigaya qorshahooda siyaasadeed.

Ku dhawaad afartameeyo musharrax oo isku soo taagay doorashada ayaa raacoodii koowaad maanta jeedinaya khudbadahooda ay ku soo bandhigayaan qorshahooda ay ku maamuli doonaa dalka afarta sanno ee soo socota.

Maalinta Axadda ayaa la filayaa in la doorto madaxweyhaha cusub ee Soomaaliya ee ka arrimin doona afarta sanno ee soo socota.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category