Cabdi Xaashi oo lagula tartami doono kursiga koobaad ee Aqalka Sare ee gobollada waqooyi

Ra'iisul wasaare ku xigeenka Soomaaliya, ayaa sheegay in kursiga koobaad ee Aqalka Sare ee gobollada waqooyi ee Somaliland uu gudoomiye Cabdi Xaashi kula tartami doono musharrax Saciid Cumar Xuseen.

Mahdi Maxamed Guuleed ayaa sheegay in go'aankaasi ay gaareen kaddib markii ay dhagaysteen talo jeedinta odayaasha deegaanka ee kursigaasi, dhanka kalana ay tixgaliyeen muhiimadda ay leedahay in la tartamo.

Dhawaan ayey aheyd markii qaar ka mid ah xubnaha sarsare ee siyaasiyiinta gobollada waqooyi ee Somaliland ay ka biyo diideen in kursiga koobaad lagu qoro in gudoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi uu kaligii u tartamo.

Haddaba bayaanka Mahdi Maxamed Guuleed uu soo duubay ee xalay lagu shaaciyay wakaaladda wararka ee Soomaaliya ee Sonna ayaa u dhignaa sidatan:

Dhanka kale hadalka ra'iisul wasaare ku xigeenka ee Soomaaliya, Mahdi Maxamed Guuleed, ayaa imanaya xilli maanta musharraxiinta u tartamaysa 11-ka kursi ee ay gobollada waqooyi ee Somaliland ku leeyihiin Aqalka Sare ee Soomaaliya ay hadalkooda ka hor jeedinayaan ergada kala dooran doonta.

 

xigasho BBC

Category