Dadka Deggan Skovparken oo ka Caraysan Qorshayaasha Golaha Deegaanka

RHMa doonayno in siyaasiyiintu ay iska kaaya  jiidhaan" Skovparken waxaa ka jirta cadho weyn oo ku saabsan go'aanka Golaha Deegaanka Kolding ay ku duminayaan saddex dhisme oo si wanaagsan u dhisan. Xisbiga Enhedslisten, oo uu matalayo xildhibaan Benny Dall, ayaa dadka deegaanka ku dhiirrigelinaya inay ka horyimaadaan qorshahan cusub.

Kulan ka dhacay Café 43,  dadka deegaanka ayaa muujiyay caradooda. Waxyaabihii ay dadku yiraahdeen waxaa ka mid ahaa:

  • "Ma doonayno in siyaasiyiintu nagu tuntaan."

  • "Waan ka daalnay in wax kasta nala iska dul saaro."

  • "Waa faa'iido in diidmo la muujiyo."

  • "Durba dad ayay guryaha ka saareen. Runtii waa arrin laga xishoodo."

Baahida loo qabo in la adeegsado Xaqa Dimuqraadiga ah Guddoomiyaha guddiga xaafadda Skovparken, Jette Duesberg, ayaa sharraxday in tani ay tahay markii ugu horreysay ee ay helayaan fursad ay codkooda ku dhiibtaan qorshahan. Waxay ugu baaqday dadka inay diidmadooda muujiyaan, maadaama haddii aysan sidaa samayn ay la mid tahay iyagoo is dhiibay. "Waa fursadda kaliya ee aad helaysaan," ayay tiri.

Duminta Guryaha iyo Dhisidda Xarun Waayeel

Golaha deegaanka ayaa doonaya inay dumiyaan guryahan si ay uga dhisaan xarun xannaanada waayeelka (Plejehjem).

  • Jette Duesberg waxay ku tilmaamtay arrin murugo leh in la dumiyo guryo wanaagsan, iyadoo isweydiisay cidda tiri qasab waa in xaruntaas laga dhiso xaafaddan.

  • Hans Jørgen Møller, oo 40 sano degganaa xaafadda, ayaa taageeray diidmada wuxuuna xusay in dacwadu ay mararka qaar wax ka beddesho go'aannada golaha deegaanka.

  • Zainab Mohammed ayaa iyaduna sheegtay inay aad uga xun yihiin qorshahan, waxayna rajaynaysaa inay iyada iyo dadka kaleba guryahooda kusii nagaadaan.

Ballamo Laga Baxay

Dadka deegaanka ayaa sidoo kale aad uga niyad jabsan ballamo looga baxay oo ku saabsanaa in loo dhiso Hool weyn oo isboorti iyo Garoon caws macmal ah.

  • Jette waxay sheegtay in markii ay dowladaha hoose weydiiyeen arrintan, laga leexleexday loona sheegay in booska weyn ee bannaan laga beeri doono uun ubaxyo.

  • Sharmarke Alasow Abdikarim wuxuu la yaaban yahay sababta xaafaddoodu aysan u haysan xarun kulmis (medborgerhus) iyo adeegyo horumarsan oo la mid ah kuwa xaafadaha kale ee magaalada. Wuxuu xusay in siyaasiyiintu ay arrintaas ballanqaadeen balse ay rumaysan doonaan uun markay indhahooda ku arkaan.

Tallaabada Xigta

Benny Dall oo ka socda xisbiga Enhedslisten ayaa tilmaamay in cabashadu ay shaqayso sababtoo ah siyaasiyiinta waa la saamayn karaa. Wuxuu dadka u qaybiyay foomam online iyo waraaqo ah oo dacwadda lagu xareeyo. Isla habeenkaas, 23 qof ayaa durba xareeyay dacwad rasmi ah oo ka dhan ah qorshaha deegaanka.

Dadka deggan xaafadda ayaa rajaynaya in codkooda la maqlo, oo golaha deegaankuna uu dhagaysto oo uu tixgeliyo baahiyahooda iyo rabitaankooda.

cddrr

isha warka. Netavis

Category