Dadka ku nool hareeraha Wabiga Shabeelle oo walwalsan (Maxaa Cusub)

Muqdisho (RH)-Waxaa soo baxaya walaac ku saabsan in dadka ku nool hareeraha wabiga Shabeelle ay ka cabsi qabaan in wabiga uu ku fataho.

Meelaha ugu darran ee wabiga inuu fatahaad ka sameeyo ayaa ka mid ah magaalooyin ku yaalla goballada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, oo dadka ayaa hadda billaabay in ay caro tuur ka sameeyaan ama moos meelaha ay is lee yihiin waa uu ka fatahi karaa wabiga.

Madaxda maamulladaas ayaa ka digay in wabiga Shabelle uu fatahaad ka sameeyo magaalooyinka Jowhar iyo Beledweyne.

Dadka deeganka ayaa billaabay in ay xiraan goobaha biyaha ay ka soo gudbi karaan, sidoo kale waxa ay ka cabsi qabaan qabaan in biyaha ay la tagaan dallagyadii ay beerteen dadka beeraleyda ee ku nool agaaas.

Dhowr mar horre ayaa sidan oo kale fatahaadda wabiga Shabeelle waxa uu geesan jiray khasaare naf iyo maalba.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category