Darawallada Basaska Kolding oo shaqo-joojin sameeyay.

Qodobbada Warka:

  • Darawallada Basaska Kolding oo shaqo-joojin sameeyay.

  • Cabasho xooggan oo laga muujiyay jadwalka cusub ee basaska.

  • Shirkadda Nobina iyo darawallada oo yeeshay kulan degdeg ah.

Faahfaahinta Warka:

As-salamu Calaykum, ku soo dhawaada wararka Radio Hormuud, xaruntiisa magaalada Kolding.

Subaxnimadii Khamiista, isku socodka basaska dadweynaha ee magaalada Kolding ayaa hakad galay muddo dhowr saacadood ah, kadib markii darawallada basasku ay sameeyeen shaqo-joojin aan horey loo sii shaacin. Shaqo-joojinta ayaa bilaabatay qiyaastii 08:30 subaxnimo, iyadoo basasku dib u shaqo bilaabeen abbaare 11:30 barqannimo.

Sababta ugu weyn ee shaqo-joojintan ayaa lagu sheegay inay tahay gadood ka dhashay jadwalka cusub ee basaska (Ny køreplan) oo dhaqangalay Axaddii lasoo dhaafay, taariikhdu markay ahayd 14-ka December. Darawallada ayaa sheegay in jadwalkani uu yahay mid aad u adag oo culays badan ku haya.

Qaar kamid ah darawallada oo la hadlay warbaahinta maxalliga ah, balse diiday in magacooda la shaaciyo, ayaa sheegay in waqtiga la siiyay safarrada uu yahay mid aad u yar (ciriiri ah), meelaha qaarna aysan jirin goobo lagu soo wareego (vendepladser), isla markaana aysan helin waqti ku filan oo nasiino ah. Waxaa jira xaalado ay darawalladu gaariga wadaan ilaa 4 saacadood iyo bar iyagoo aan helin fursad ay xitaa musqusha ku aadaan.

Tusaale ahaan, khadka lambar 254 ayaa la siiyay waqti dhan 18 daqiiqo in lagu dhammaystiro, halka khariidadda Google Maps ay muujinayso in wadada oo kaliya ay qaadanayso 16 daqiiqo, taasoo ka dhigaysa mid aan macquul ahayn in waqtigaas lagu ilaaliyo si nabadgelyo ah.

Shirkadda Nobina A/S, oo qandaraas kula jirta Sydtrafik kana mas'uul ah wadidda basaska Kolding, ayaa sheegtay in shaqo-joojintani ay ku noqotay mid "lama filaan ah". Agaasimaha ganacsiga ee Nobina, Winnie Højer, ayaa degdeg ugu soo safartay Kolding si ay u xalliso xiisadda, iyadoo la kulantay wakiillada shaqaalaha iyo ururka 3F.

Mar wax laga waydiiyay cabashada darawallada ee ah in jadwalku adag yahay, Winnie Højer waxay tiri: "Waa inaan arrintan kala eegnaa Sydtrafik. Annaga ahaan, had iyo jeer waxaa naga go'an 'Badbaadada marka hore' (Safety First), jadwalkuna wuxuu imaanayaa kadib."

Kulanka kadib, waxaa la xaqiijiyay in qiyaastii 20 darawal ay shaqada joojiyeen, balse hadda la xalliyay khilaafkaas, basaskuna ay si caadi ah u shaqaynayaan. Siyaasiyiinta cusub ee golaha deegaanka Kolding ee xilka la wareegaya bisha January ayaa horey u ballanqaaday in wax laga beddeli doono jadwalkan cusub ee dhibaatada dhaliyay.

Wixii kusoo kordha wararkan kala soco Radio Hormuud.

Category