Denmark: Inge Støjberg oo laga tuurey gollaha Baarlmaanka Denmark.

RH: Wasiiradii hore ee ajanabiga ee wadanka Denmark Inge Støjbeg oo dhawaan lagu xukumey  60 maalmood oo Xabsi ah , ayaa maanta codeyn uu baarlamaanku qaadey si aqlabiyad ah ugu codeeyeen in aaney uqalmin in ay siifadhido gollaha oo laga tuuro.

 Isla markii ay  codeyntu dhamaatey ayaa ay ka degtey jaranjarada Christiansborg oo ah daarta baarlamaanka oo ay irida ka baxdey maadaama oo uu sharcigu dhigayo daqiiqadaas codeyntu dhamaanto kadib aaney sii joogi karin gollah oo ay ka baxdo,

Mar ay saxaafadu waydiisey aragtideeda ayay tidhi in ay ka naxdey natiijada balse ay ku faraxsantahay xilalkii sharafta lahaa ee ay soo qabatay sida in ay laba jeer wasiir noqotey ,iyo in ay gollaha baarmaanka, waxaaney intaasi raacisey in aaney ka qoomameynayn talaabadii kasabtay dhibka kudhacay sababtay ee baarlamaanka lagaga saarey , laguna xidhay oo aheyd in ay rag xaasaskoodii kala rartey iyada oo  sheegtay in dumarkaasi yihiin caruur aan qaangaadhin.

waxa kale oo ay sheegtay in ay siyaasada kusoo noqondoonto marka ay xabsiga soo dhamaysato  isla markaasina ay baarlamaanka isu sharixi doonto doorashada dambe.

Inge Støjberg ayaa  hada bilaabidoonta wadaxaajood la galidoonto booliiska laanta ilaalada cabsiyada si ay u kaladoorato in xabsiga dumarka ila galliyo iyo in lugta laga xidho ( GPS) , taas oo aaney dhaafi karin cabir xadidan oo gurigeeda iyo hareerihiisa ah.

 

 

Category