Denmark: Lacagta caruurta oo loo qeybindoono labada waallid

RH: Dawlada Denmark ayaa todobaadkan u dirtey warqad ogeysiin ah dhamaan hooyooyinka ama aabaaha kali kuhaysta caruur da'doodu ka hooseyso 18 sanno ,  kuwaas oo saddexdii biloodba hal mar koontadooda loogu shubi jirey lacag loogu talogaley caruurta.

Maxaa ku qornaa warqada.

Warqadan oo katimid laanta agaasinta bixinta lacagtan ee loo yaqaano udbetaling Denmark ayaa hooyooyinka u sheegtay in baarlamaanka dalku meel mariyey xeer cusub oo dhaqan galaya 01.01.2022  kaas oo jideynaya in lacagta caruurta oo hooyada gaar loogu dirijirey  loo qeybin doono laba isleeg lacagtaas kadibna labada waallid midba qeyb loogu shibidoono koontadiisa. 

arinka kaliya ee la hubindoono ayaa ah mayahay/ matahay waallidku mid ku nool Denmark oo koonto uga furantahay iyo in uu  haysto masuuliyada waalidnimo , kumana xidhna in labada waalid wada deganyihiin ama mid waliba gaar udeganyahay.

Waxa sidoo kale warqada lagu sheegay in waalidiinta xuquuddan helaya ee aan hore uhaystan ama aan iyaga lacagta loo soo shubi jirin loo diri doono warqad gaar ah bilowga bisha Jen.2022  si loogu xaqiijo in uu kamid yahay waalidka helaya lacagtaas.

Hadaba sideed u aragtaa  talaabadaas adigu?

noogu reeb fariintaada halka hoose.

 

 

Category