RH. Kolding: Waxaa jira farqi weyn oo u dhexeeya dhallinyarada da'doodu u dhaxayso 13-17 sano ee ka shaqeeya magaalooyinka waaweyn ee Denmark iyo kuwa ku nool magaalooyinka yaryar ee dhinaca galbeedka (Vestjylland).
Magaalooyinka qaar ee galbeedka, sida Varde, kalabar dhallinyaradu waxay leeyihiin shaqooyin yaryar (fritidsjob). Laakiin magaalooyinka waaweyn sida Gentofte iyo Frederiksberg, saddexdii dhallinyaro ahba mid keliya ayaa shaqeeya.
Ururka Loo-shaqeeyayaasha Danishka (Dansk Arbejdsgiverforening) ayaa ka walaacsan arrintan. Waxay sheegeen in sababta ay u badan tahay in waalidiinta magaalooyinka waaweyn ay dhaqaale ahaan ka fiican yihiin, sidaas darteed carruurtoodu uma baahna inay shaqeeyaan si ay lacag u helaan. Magaalooyinka yaryar, way fududahay in xiriir lala sameeyo loo-shaqeeyaha, shabakadaha dadka la iska yaqaannona door weyn ayay ka ciyaaraan.
Ururku wuxuu carrabka ku adkeeyay in shaqada dhallinyaradu aysan ahayn oo keliya lacag, laakiin ay dhallinyarada barto mas'uuliyadda, inay waqtiga ilaaliyaan, iyo inay maareeyaan lacag ay iyagu u soo shaqaysteen.
Si dhalinyaro badan shaqooyin loo helo, dawladda Denmark waxay samaysay isbeddello, oo ay ka mid yihiin:
-
In canshuurta shaqada laga dhaafo dadka ka yar 18 sano.
-
In la kordhiyey saacadaha shaqada ee dhallinyarada 15-jirka ah.
-
In la aasaasay adeegyo la-talin ah.