Dhibaato ka taagan dugsiyada sare ee Kolding.

Magalaada Kolding waxaa ku yaala laba dugsi oo sare (Gymnasium) iyada oo ay sidaas tahay ayaa 4tii ardey ee soo dhameeya dugsiga dhexe waxa ay 3 kamid ahi codsanayaan in lagu qoro Munkesdam Gymasium  halka Kolding Gymnasium KG ay sannadba  ka kadambeeya siiyaraaneyso tirada ardeyda soo codsaneysa.

 

RH: Tusaale ahaan sannadkan 2021 waxaa Munkesdam Gynasium soo codsadey 359 ardey taas oo iskuulku codsigoodii diidey 59 ardey oo kamid ah maadaama oo uu ka buuxsamey  waxaana hal mar bilaabaya 10 fasal oo siman 1G ah.

 

Halka ay Kolding Gynasium soo codsadeen ilaa 99 ardey maamulka iskuulkuna uu labadii sanno ee udambeyauy ka cabanayey dhibaato ardey yaraan ah , kadibna uu ka codsadey madaxda gobalka in ay dhibkan xal uhelaan oo adeyda labada iskuul si isleeg ugu qeybiyaan  balse laga diidey .

Dhibkan ayaa wali sii socda waxaana hada loo ogolaadey Munkesdam Gynasium in uu fasal dheeraad ah u dhiso ardeyda badan ee soo codsaneysa si ay meel uga helaan.

Maxaa dhibkan keenay.

Kolding Gynasium oo ah Iskuul casriya oo mar ahaan jiray kan ugu weyn looguna jecelyahay kolding ayaa waxa uu ku agyaalaa Labada xaafadood ee loogu yeedhay Gehetto ama isku raran ( waa xaafado ay ku badan yihiin caruur ka soo jeeda dalalka Islaamka sida Soomaali, Afganistani, Carab iyo Bosnian iwm.

Ku waas oo aaney caruurtoodu % 99 aaney meelkale codsan 10kii sanno ee u dambeeyay, waxa kale oo lagu ciladeeyay iskuulka in caruurta ka qalinjabisa badh kamid ahi aaney helin natiiijo wanaagsen oo ay kaga qallinjabiyaan Iskuulka si ay waxbarashada Jaamacada ugu helaan firsad wanaagsan maadaama oo jaamacada aad jeceshay ay ku xidhantahay natiijada imtixaankaaga dugsiga sarre.

Taasi markii ay dhacdey waxa ay waalidiinta asalkoodu Denishka yahay bilaabeen in ay caruurtoodu doorbidaan  Munkasdam Gymnasium.

Category