Diblumaasi Caalami Ah Oo Ka Hadlay Safiirka Imaaraadku U Soo Magacaabay Somaliland

Samuel Ramani oo ah Diblumaasi Falanqeeya Siyaasadda iyo xidhiidhka caalamiga ah isla-markaana Shahaadada Sare ee PhD ka wada Jaamacadda Oxford, ayaa falan-qayn ku sameeyay  xidhiidhka sii koraya ee Somaliland iyo Dawladda Imaaraadka carabta.

Diblumaasigan ayaa maqaal dheer oo uu ku qoray Wargeyska Business Week wuxuu isku waydiiyey su’aasha ah “Maxay Somaliland uga dhigan tahay, Joogitaanka sii Kobcaya ee Imaaraadku” ?

Samuel Ramani, ayaa ka warramay xidhiidhka Somaliland iyo Imaaraadka carabta, Mashaariicda horumarineed ee Shirkadda Imaaraadka laga leeyahay ee DP World ka waddo Dekedda Berbera ee Somaliland, taasi oo ay Ku Maalgelisay Adduun Lacageed oo ka badan 400 Milyan oo dollar iyo Mashaariic kale oo taa ka faracamay, kuwaasi oo ay Imaaraadku ka wado Somaliland, sida Waddada Berber corridor.

Samuel Ramani, wuxuu si gaar ah diiradda u saaray  Safiirka Dawladda Imaaraadku 17-kii bishii hore ee March u soo Magacowday Somaliland, kaasi oo Magaciisu yahay Abdullah Muhammad al-Naqbi.

Abdullah Muhammad al-Naqbi oo ah Wakiilka Xafiiska Ganacsiga Imaaraadka ee Somaliland, ayuu sheegay in Magacaabistiisu ka cadhaysiisay Dawladda Soomaaliya, isla-markaana u aragtay Wakiil Imaaraadku ugu talo-galay inuu ku wiiqo Midnimada Dhuleed ee wixii la isku odhan jiray Jamhuuriyadda Soomaaliya, laakiin Somaliland u aragto Tallaabo muujinaysa Walaaltinimada ka dhaxaysa Somaliland iyo Imaaraadka carabta.

Samuel Ramani oo soo xiganaya Warbaahinta gudaha Somaliland, ayaa sheegay in Shacabka Somaliland ay rejo wanaagsan u arkeen Safiirka Xafiiska Ganacsiga ee Imaaraadku soo Magacaabay, qaybna uu ka yahay Guulo uu sheegay in Madaxweyne Muuse Biixi ka gaadhay dhinaca diblumaasiyadda.

Yuusuf Cabdi Gaboobe oo ah Falan-qeeye ayaa Wargeyska Al-Monitor u sheegay in tani suurto-gelin karto in Dalal kalena ku soo biiraan Imaaraadka carabta, taasi oo guul u ah diblumaasiyadda Somaliland “Wuxuu kordhin doonaa (Xafiiska Imaaraadku) suurtagalnimada in dalal kale ay ku biiraan Imaaraadka iyo Dalal kale ee Hargeysa ugu lahaa Xafiisyo u dhigma (Ka Imaaraadka)..” ayuu yihdi, Mr. Gaboobe

 

xigasho. geeska.net

Category