Diiwangalinta musharrixiinta Soomaaliya oo la soo xiray

Muqdisho (RH)-Guddiga isku dhafka ah ee qaban qaabada doorashada madaxweynaha Soomaaliya ayaa goordhow qoraal ay soo saareen ku sheegay inay la soo xiray boggii diiwangalinta musharrixiinta isku diiwangaliyaydoorashada Soomaaliya, waxaana ay sheegeen in 39 musharrax ay isku diiwangaliyeen oo lagu wado in ay dhacdo maalinta Axadda oo bisha May ay ku beegan tahay 15.

Diiwangalinta musharrixiinta oo socotey muddo saddex cisho, ayaa musharrax kasta oo ka mid ah 39-ka qof oo ay ku jirto hal dumar ah ay dhiibeen 40,000 oo dollar oo ka mid ah shuruudaha laga rabo musharrax kasta, waa tiradii ugu badneed ee musharrixiin isku soo taaga xilka madaxweynaha, iyadoo sannadkii 2017-kii ay isku soo taageen xilkaas 24 musharrax.

Doorashada Soomaaliya ayaa soo jiitameysay sannad iyo dheeraad ah.

Halkan ka akhriso qoraalka guddiga doorashada

warqadda koowaadwarqadda labaad

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category