DIYAARADA HURDADA U DIIDEY MAREYKANKA

Maalintii Talaadada, taliska militariga Ruushka ayaa munaasabad uu goob joog ka ahaa madaxweyne Vladamir Putin ku daah furay diyaarad cusub oo nooceedu yahay Sukhoi, taasoo lagu magacaabay "Checkmate".

Xogta ku saabsan naqshadda iyo awoodda diyaaraddan dagaal oo jiilka shanaad ah ayaa lagu soo bandhigay xaflad ka dhacday duleedka magaalada Moscow.

Khubarada ku xeel dheer diyaaradaha dagaalka ayaa diyaaraddan cusub ee uu Ruushka sameystay ku qeexay mid la tartameysa diyaaradda ay heystaan militariga Mareykanka ee lagu magacaabo F-35, taasoo waddamo badan laga hor taagnaa.

Laakiin Ruushka ayaa damacsan inuu durbadiiba diyaaraddan casriga ah ka sii iibiyo dalal kale oo dhowr ah oo loo dhoofin doono marka ay isku afgartaan qiimaheeda.

Maxay tahay diyaaradda Checkmate?

Sida ku xusan xogta ilaa hadda la heli karo, diyaaradda dagaalka ee Checkmate waxay ka fududdahay diyaaradda labo maroor-leyda ah ee Sukhoi Su-57, waxayna ilaa shan gantaal oo kuwa duula ah u qaadi kartaa jihooyin kala duwan.

Waxay diyaaraddan sidoo kale awood u leedahay inay iyadoo hawada ku jirta fasaxdo diyaarado kuwa uusan duuliyaha saarneyn ah, waxayna halkii mar qaadi kartaa 7.5 tan oo hub ah.

Checkmate ayaa u baahan waddo aad u gaaban marka ay duulayso ama ay soo caga dhiganayso, taasoo ah awood ay gaar la tahay diyaaraddan.

Tikhnoolojiyadda lagu sameeyay diyaaraddan - oo jiil cusub ah - waxaa lagu tilmaamay mid aad u sarraysa, waxayna ku shaqeyneysaa hal matoor oo kaliya.

Seynisyahannada warshadda soo saartay diyaaraddan waxay sheegeen in loogu talo galay labo duuliye oo is caawinaya marka ay ku jiraan marxaladaha qaarkood.

Waxay sheegeen inay halkii marba duqeyn karto shan bartilmaameed oo ah dhulka, hawada ama badda, awooddaas oo shaqeyneysa xitaa marka ay jirto cillad dhinaca korontada ah.

Diyaaradda cusub ee Checkmate waxaa qiimaheeda lagu qiyaasay $20 ilaa $30 milyan oo doolar. Kaddib markii tijaabooyin dhowr ah lagu sameeyo, waxay diyaaraddan duullimaadkeeda ugu horreeya Ruushka ka sameyn doontaa sanadka 2023-ka.

Iibinteeda ayaa la filayaa in Ruushka uu billaabo 2026-ka, markaasoo gacanta loo galin doono waddamo kale.

Shirkadda farsameysa diyaaradaha ee United Aircraft ayaa sheegtay inay qorsheyneyso sameynta ilaa 300 oo Checkmate ah 15-ka sano ee soo socota gudahooda.

Sida ay mas'uuliyiinta shirkadda sheegen, tiradaas waxay ku xiran tahay rabitaanka macaamiisha, waana lasii kordhin karaa haddii uu dalabkeeda bato.

Seynisyahannada Checkmate ayaa sidoo kale ku howlan inay soo saaraan nooc kale oo isla diyaaraddan ah balse aan u baahnayn inay duuliyeyaal fuulaan.

Dalal badan ayaa durbaba muujiyay sida ay u daneynayaan diyaaraddan.

Su'aasha ugu wayn ee isweydiinta mudan ayaa ah in Hindiya ay ka mid noqon doonto dalalka iibsan doona diyaaraddan isugu jirta dagaalka iyo basaaska?

Sida laga garan karo muuqaalkaas, Ruushka ayaa u muuqda in macaamiishiisa ugu horreeya uu ka dhigan doono afartaas dal oo ay suuragal tahay inay iibsadaan Checkmate.

Laakiin khubarada u kuur gala arrimaha militariga waxay muujinayaan in Hindiya aysan u badneyn inay si dhakhso ah usoo iibsato.

Ilaa hadda waxaa la ansixiyay 73 dyaaradood oo ka mid ah Checkmate, kuwaasoo tijaabada ugu dambeysa maraya, kaddibna lasii iibin karo.

Hindiya ayaa la og yahay inuu muran kala dhaxeeyo waddamada dariska la ah ee Shiinaha iyo Pakistan. Laakiin ilaa hadda ma jirto xog caddeyneysa in Delhi ay qorsheyneyso soo gadashada diyaaraddan.

Dhawaan waxay shirkadda diyaaraddan sameysay shaacisay muuqaal lagu daah furayay oo ay ka dhex muuqdaan duuliyeyaasha afar waddan oo kale ah Imaaraadka Carabta, Vietnam, Argentina iyo Hindiya.

 

xigasho BBC

Category