Kolding, Denmark (RH)– Munaasabad farxad leh ayaa maanta ka dhacday Dugsiga Bramdrup ee magaalada Kolding, kadib markii shirkadda Bilka, oo ka mid ah silsiladaha dukaamada ugu waaweyn Denmark, ay dugsiga ku wareejisay deeq lacageed oo dhan 250,000 karoon oo Danish ah.
Deeqdan oo ay bixisay Salling Fondene ayaa loogu talagalay in lagu dhiso goob cusub oo lulayaal ah oo lagu ciyaaro, si loo horumariyo garoonka ciyaaraha ee dugsiga.
Ardayda fasallada 3-aad, 4-aad iyo 5-aad ayaa goob joog ka ahaa munaasabadda wareejinta deeqda, iyagoo muujiyay farxad iyo raynrayn ay ku soo dhaweeyeen mashruucan cusub ee wax weyn ka tari doona madadaalada iyo ciyaaraha carruurta.
Munaasabadda kaddib, Bilka ayaa ardayda u qaybisay khudaar, halka qaar badan oo ka mid ah carruurtuna ay sawirro la galeen boombalada Billie, oo ah astaanta caanka ah ee shirkadda Bilka.
Maamulka dugsiga ayaa uga mahadceliyay Salling Fondene, Bilka iyo guddiga horumarinta garoonka ciyaaraha taageerada qiimaha badan ee ay siiyeen dugsiga iyo ardaydiisa.



🎙️ Radio Hormuud – Kolding, Denmark.