Dawladda Itoobiya waxa ay u dabaal degaysaa dhammaystirka biyo xidheenka ugu weyn Afrika kaas oo laga dhisay webiga Niilka Buluugga ah.
Biyo xidheenkan oo shaqadiisa la bilaabay sannadki 2011-kii, waxa uu noqday madhruucii ugu weynaa ee laga hir geliyey gobolka Geeska Afrika. Waxa ku baxday dhaqaale dhan 5 Bilyan oo Dollar isaga oo soo maray marxalado kala duwan.
Hawsha biyo xidheenkan oo 14 sano qaadatay, waxa uu qorshuhu ahaa in xilli hore xadhiga laga jaro, balse waxa dib u dhigay qalalaasihii dalkaas ka dhacay kaas oo saamayn ku yeeshay arrimihii shaqo ee biyo xidheenka GERD.
Xaflad aad u weyn oo loogu dabaal degayo dhammaystirka biyo xidheenkan ayaa la filayaa in ay gooraha soo socda ka dhacdo dalka Itoobiya iyada oo halkaas ay ku sii qulqulayaan weftiyo kala duwan oo ka qayb gelaya wanqasha mashruucan loo samaynayo.
Itoobiya biyo xidheenkani wuxuu uga dhigan yahay in ay gaadhey guushii abid ugu weynayd waxana qorsheheedu yahay in ay ka dhaliso Koranto daboosha baahiyaha gudaha ee dalkaas loona dhoofiyo waddamada kale ee Afrika.
Geesta kale, Masar oo dadkeedu ay muddo dheer ahaayeen kuwo ku tiirsan biyaha Webiga Niil, waxa ay ku doodaysaa in Addis ababa jid gooyo u gashay Biyihii ay heli jirtay iyada oo 14-kii sano ee la soo dhaafay dagaal adag hawshaas ka gashay.
Masar oo ku guulaysan wayday in ay joojiso mashruuca biyo xidheenka Webiga Niil waxa ay ilaa hadda waddaa dedaallo ay hawshan kaga hor tegayso iyada oo hadda kaashanaysa dalalka Jaamacadda Carabta kuwaas oo ay doonayso in ay cadaadis saaraan dawladda Itoobiya.
Xiggasho:Gallaydh