Geesigii Qarsoonaa ee doorka weyn ku lahaa dagaalka muranka badda

Mudadii udhaxaysay August- December 2018 waxan daganaa deegaanka Villa Rosa ee magaaladda Muqdisho, halkaas oo aanu isku baranay Marxuum Eng. Mohamed Omar Salihi , oo ahaa xubin muhiima oo ka tirsan Gudidda Difaaca Badda Soomaaliya illaa intii uu ka geeriyodey dhawaan.

Inta baddan galinka danbe ama habeenkii marka shaqooyinka laga soo noqdo ayaanu barxadda huteelka ku wada sheekaysanjirney. Wuxu marxuunku ii sheegay in uu saddex shaqo oo muhiima uqaabilsanaa Gudidda:

1. Inuu soo ururiyo dhamaan heshiisyadii dhinaca xuduudaha badda. Si taas loo xaqiijiyo, Marxuunku wuxu subaxkasta ku kalihi jirey qaybta lagu kaydiyo xogta ee Wasaaradda Arr. Dibadda Soomaaliya. Inbadan oo ka mida heshiishyadii dawladda Soomaaliya gashay sanadadii 70s, 80s & 90s ee maata maxkamaddu xiganeysay, waxay ka mid ahaayeen warqadihii En. Salihi soo heley, ka dib mudo dheer oo uu baadhaayeey kaydka xogta Wasaaradda .

W/Q: Danjire Cabdullaahi Odowaa 

Danjiraha Soomaaliya ee dalka Kuwait 

Category