Jubaland oo ka hadashay ciidamada Gedo iyo shirka uu ra'iisal wasaaraha iclaamiyay

RH: Dowlad goboleedka Jubaland ayaa shaaca ka qaaday inay ka qeyb gali doonaan shirka uu iclaamiyay rai’sul wasaaraha dowladda Fedaraalka ee soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, kaas oo uu 20-ka bisha isugu yeeray madaxda maamul goboleedyada iyo gobolka Banadir.

Madaxwayna ku xigeenka Jubbaland Maxamuud Sayid Adan oo BBC la hadlay ayaa ku baaqay in la isu tanaasulo islamarkana danta shacabka Soomaaliyeed la eego isla markaana raii'sal wasaaraha looga baahan yahay inuu xal u helo arrimihii lagu muransanaa.

"Jubaland wey ka qaybgalaysaa shirka uu ra'iisal wasaare Rooble ku baaqay 20 ka bisha" Ayuu yiri.

Xigasho BBC

Category