RH: esbjerg: Kalsooni la’aan ayaa ka dhex dhalatay Xisbiga Socialdemokratiet ee magaalada Esbjerg kadib markii mid ka mid ah musharrixiinta xisbiga uu “like” iyo emoji qosol ah ku taageeray qoraal Facebook ah oo dad badan u arkeen mid cunsuri ah.
Michael Harbøll, oo ah musharraxa xisbiga u taagan xilka duqa magaalada, wuxuu si adag u dhaliilay xubinta xisbiga ee Bonnie Fjord, isagoo leh:
“Qof siyaasadda u taagan waa inuu iska dhowro taageeridda fariimaha cunsuriyada u muuqda. Haddii aad ‘like’ saarto ama emoji qosol ah geliso, dadka waxay u arkaan inaad taageerayso farriintaas.”
Qoraalka muranka dhaliyay waxaa soo dhigay Mads Engelund Larsen (DF), oo bacon ku dhejiyay albaabkiisa kuna qoray inay tahay si uu “tuugta uga cabsigeliyo” xilligii ololaha. Dad badan ayaa u arkay fariin si dadban u tilmaamaysa muslimiinta.
Xisbiga gudihiisa kala qaybsanaan ayaa ka jirta:
-
Harbøll wuxuu yidhi qoraalka DF-ka waa cunsuri.
-
Bonnie Fjord waxay tiri waa “kaftan” waxayna siisay emoji qosol ah – taasina waxay keentay khilaafka.
Mussa Utto, oo isna ka tirsan Socialdemokratiet, wuxuu si adag uga soo horjeestay taageeridda qoraalkaas:
“Waa wax aan la aqbali karin in musharrax ka tirsan xisbiga uu emoji qosol ah ku taageero qoraal cid muslim ah ku eedeynaya dambiyada.”
Inkasta oo uusan magacaabin Bonnie Fjord, hadalkiisu si cad ayay dadka ugu fasirteen in uu iyada ka hadlayo.
Bonnie Fjord diidday inay saxaafadda uga jawaabto dhaleeceynta, laakiin Facebook ayay ku qortay in:
-
Mads Engelund Larsen uu yahay qof wanaagsan oo kaftan leh,
-
In kasta oo ay siyaasadda arrimaha ajaanibta ka duwanyihiin.
Somalisk Folkeoplysningskulturforening:
Ururka bulshada Soomaaliyeed ee Esbjerg wuxuu ka fikiray in Mads Engelund Larsen lagu soo oogo dacwad cunsurinimo, laakiin wuxuu go’aansaday inay fursad siiyaan oo ay dacwad ka qaadaan haddii ay mar kale dhacdo.