RH: Golaha deegaanka ee magaalada Kolding ayaa si rasmi ah u ansixiyay miisaaniyad gaareysa 310 milyan oo karoon (DKK), taasi oo lagu maalgelinayo xaafad cusub oo laga dhisayo inta u dhaxaysa Vonsild iyo Dalby. Mashruucan ayaa noqonaya kii ugu ballaarnaa ee noociisa ah ee magaalada laga fuliyo muddo dheer.
WARKA OO FAAHFAAHSAN]
Magaalada Kolding ayaa qarka u saaran isbeddel dhanka deegaanka ah, kadib markii siyaasiyiinta golaha deegaanku ay qalinka ku duugeen qorshe lagu ballaarinayo magaalada. Xaafaddan cusub oo dhacda bariga Vonsild, ayaa la filayaa in ay hoy u noqoto inta u dhaxaysa 2,000 ilaa 3,000 oo qof.
Qorshahan oo ay ku baxayso lacag ka badan 300 oo milyan oo karoon, ayaa loogu talagalay in lagu diyaariyo 250 boos oo ah guryaha gaarka loo leeyahay (Parcelhuse) iyo dhismayaal kale oo waaweyn.
Duqa cusub ee Kolding, Jakob Ville, oo ka hadlay baahida mashruucan ayaa sheegay in magaalada Kolding ay xilligan wajahayso gabaabsi dhanka dhulka la dhiso ah. Wuxuu xusay in koodhka 6000 ee Kolding aysan hadda oollin wax boos ah oo iib ah, sidaas darteedna mashruucan uu yahay mid lagama maarmaan u ah kobaca magaalada.
"Kani waa aag aad u weyn, horumarintiisuna waxay qaadan doontaa waqti ilaa sanadka 2038. Laakiin waxaan rajeyneynaa in boosaska ugu horreeya aan iibino sanadka 2027," ayuu yiri Jakob Ville.
Lacagtan badan ayaan kaliya lagu iibsaneyn dhulka, balse waxaa qayb weyn oo ka mid ah, oo lagu qiyaasay 100 milyan oo karoon, lagu horumarinayaa wadooyinka iyo kaabayaasha nolosha.
Qorshaha waxaa ku jira dhismaha wadooyin cusub, isgoysyo nalal leh, iyo wadooyinka baaskiilka. Waxaa si gaar ah diiradda loo saaray amniga ardayda, iyadoo la dhisayo tunduul (tunnel) dhulka hoostiisa mara, si ardayda aadaysa iskuulka Dalby Skole ay si nabad ah ugu tallaabaan wadooyinka waaweyn.
Iibka boosaska ugu horreeya ee xaafaddan cusub ayaa la filayaa in la furo dhammaadka sanadka 2027-ka, iyadoo mashruuca oo dhameystiranna uu socon doono ilaa sanadka 2038-ka.
Dowladda hoose ee Kolding ayaa fileysa in lacagta ay gelisay mashruucan inteeda badan, oo ah 262 milyan, ay dib uga soo laabato iibka dhulkaas mustaqbalka.
Radio Hormuud, Kolding.