Laba wiil oo walaalo Soomaali ahaa oo lagu dilay Mareykanka

KANSAS CITY, Mo. (RH) Laba wiil oo walaalo ahaa oo lagu kala magacaabo Cabdiwaxid Cabdicasiis oo ahaa 15 jir, iyo Cabdirahmaan Cabdicasiis oo ahaa 14 jir, ayaa lagu dilay magaalada Kansas City ee gobolka Missouri ee dalka Mareykanka, ayada oo dilka lagu tuhmayo Hanad Cabdicasiis oo ahaa walaalkood ka weyn oo 25 jir ahaa.

Dilka wiilashan ayaa dhacay habeenkii Jimcaha, xilli ay wiilasha kasoo baxeen Salaadii Taraawiixda. Hanad ayaa la tuhunsan yahay inuu ku hor diley gurigooda, waxaana ka badbaadey dilka wiil kale oo yar oo la dhashey oo ay xabadda kaga kitibtey, sida ay booliska sheegeen.

Booliska magaalada Kansas City ayaa muddo dhowr iyo toban saac ah dabo ordayey eedeysanaha, waxeyna shaley galab ay toogasho ku dileen Hanad Cabdicasiis oo muddo baxsad ahaa.

Qoyska Caruurtan waxaa hore uga dhimatey hooyadood oo lagu eedeeyey inuu dilkeeda geystey adeerkood aabahood la dhashey qabayna, waxaana adeerkii uu u baxsadey Soomaaliya sida ehellada u sheegeen isla sanadkii dilka uu geystey ee 2009.

Xiggasho: VOA

Category