Mareykanka oo shaaciyey tallaabooyinka uu qaadayo kadib muddo kororsigii DF

Xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka Antony Blinken ayaa sheegay in dowladda Mareykanka ay aad uga niyad jabtay go’aanka ay dowladda federaalka Soomaaliya ku ansixisay sharci laba sano ku kordhinaya muddo xileedka madaxweynaha iyo baarlamanka. 

Blinken ayaa sheegay inay marar badan ay ku celiyeen in heshiis dhex-mara dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada oo hoggaamiya doorasho uu muhiim u yahay nabadda, xasilloonida iyo baraaraha Soomaaliya

“Waxaan sidoo kale caddeynay in Mareykanka uusan taageeri doonin muddo kororsi aan haysan taageerada saamileyda siyaasadda Soomaaliya, iyo hanaan doorasho oo hal dhinac ah iyo kuwa is-dhinac socda,” ayuu yiri Blinken.

“Ficillada noocan ah waxay noqon doonaan kuwa aad wax u kala qeybiya, waxyeeleeya hanaanka federaalka iyo isbeddelada siyaasadeed ee xudunta u ahaa horumarka dalka iyo saxiibtinimada beesha caalamka, waxayna dareenka ka weecinayaan Al-Shabaab. Waxay sidoo kale dib usii dhigayaan qabashada doorashada shacabka Soomaaliyeed loo ballan-qaaday ee ay sugayeen.”

Xoghayaha arrimaha dibedda ayaa sheegay in fulinta sharciga noocan ah [muddo kororsiga] uu caqabad weyn ku noqon doono wada-hadallada uuna dhaawac weyn gaarsiin doono nabadda iyo ammaanka Soomaaliya.

“Waxay ku qasbi doontaa dowladda Mareykanka inay dib u qiimeyso xiriirka aan la leenahay dowladda federaalka Soomaaliya, oo ay ku jiraan midka diblomaasiyadeed iyo kan kaalmo, islamarkaana aan ka fakarno wax kasta oo aan heli karno, oo ay ka mid yihiin cunqabateyno iyo xayiraado visa, si aan uga jawaabno, dadaallada lagu waxyeeleynayo amniga iyo xasilloonida,” ayuu yiri xoghayaha arriamha dibedda Mareykanka.

Blinken ayaa sheegay inuu ugu baaqayo hoggaamiyayaasha dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada inay deg deg ugu soo laabtaan wada-hadallada, iskuna raacaan waddo lagu xallin karo xasaradaha doorashada.

Wuxuu sidoo kale ku baaqay in dhammaan dhinacyada ay muujiyaan is-xakameyn, ay sii wadaan wada-hadallada, kana dheeraadaan ficillo hal dhinac ah oo sii hurin kara xiisadda islamarkaana waxyeeleyn kara hanaanka dimoqraadiyadda iyo hay’adaha dowladeed ee Soomaaliya. 

 

xigasho Caasimada.net

Category