Maxaa laga oyahay imaatinka Cumar Cabdirashii ee Muqdisho?

Muqdisho (RH)-Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho.

Cumar Cabdirashiid ayaa maanta waxaa magaalada Muqdisho ku soo dhoweeyay xubno ka tirsan Midowga Murashixiinta Mucaaradka Soomaaliya.

“Xaaladda Dalku marayo waa xaalad khatar ah,doorasho ayaa lagu heshiiyay mana muuqato doorasho cadaaladd ah hadaan xal loo helinna sida wax ku socdaan dadkoo dhan ayaa ka hor imaan doona, waa in la isku yimaado oo laga wada tashadaa doorasho ku dhisan cadaalad" ayuu yiri Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke

Raysal wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid oo warbaahinta kula hadlay Muqdisho ayaa waxaa uu si kulul ugu hadlay boobka la sheegay in lagu hayo doorashada golaha shacabka ee Baarlamaanka dederaalka soomaaliya, isagoona si adag u cambaareeyay hanaanka ay ku socoto doorashada dalka.

Sidoo kale Cumar Cabdirashiid ayaa waxaa uu sheegay in uu Muqdisho u imaaday wada-tashiyo ku saabsan Arrimaha doorashada si loo hagaajiyo nidaamka doorashada oo uu ku tilmaamay mid qaldan.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Cumar Cabdirashiid uu ku biiri doono shirarka ay leeyihiin midowga musharixiinta mucaaradka ee ka socda magaalada Muqdisho.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category