Maxay Dowladda Soomaaliya ka tiri mudaaharaadyadii ka dhacay Muqdisho?

Muqdisho (RH)-Dowladda Soomaaliya ayaa ka hadashay mudaaharaadyado maanta ka dhacay magaalada Muqdisho oo ay dhigayeen waalidiin sheegay in carruurtooda loo qaaday dalka Eriteriya halkaasna looga qaaday dalka Itoobiya ayna ku dhinteen.

Wasiirka warfaafinta Soomaaliya, Cimaan Abuukar Dubbe oo shir jaraa'id ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay in bannaanbaxyadaas loola dan lahaa arrimo siyaasadeed gaar ahaan in lagu qariyo duqeyn ciidanka Kenya ay ka fuliyeen Soomaaliya.

Wasiirka waxa uu sheegay in ay sax tahay dhallinyaro Soomaali ah in loo qaaday dalka Eriteriya halkaasna ay tabbabar u joogaan.

Si kastaba, Warbaahinta maxalliga ayaa tebisay warar sheegaya in QM ay baahisay in dagaalladii ka dhacay gobalka waqooyiga Itoobiya ee Tigreega lala galay ay ku dhinteen askari Soomaali ah.

Ma ahan markii ugu horreysay oo mudaaharaadyo ay ka dhaceyn magaalada Muqdisho.

Waalidiinta magaalada Muqdisho ku mudahaaradyadyay ayaa madaxa ku xirtay maro casaan ah, waxaana ay siteen sawirrada madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Eriteriya waxaana ay ka codsadeen madaxda dowladda in ay soo celiyaan carruurtooda.

Dhinaca kale, wasiirka amniga Puntland, Cabdisamad Maxamed Gallan oo saxaafadda ugu warramay Garowe ayaa sheegay in shan askari oo ka mid ahaa dhallinyaradii loo qaaday Eriteriya in la keenay Puntland oo ay hadda rabaan in ay ku biiraan ciidamada Puntland.

Waxa uu sheegay in ciidamadaas ay sheegeen in dhib badan ay ka soo mareen dalka Eriteriya oo saddex jeer ay isku dayeen in ay arkaan madaxweynaha Soomaaliya oo tegay Asmara haddana loo suurigalin.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category