Maxkamadda dhageysanaysay kiiska Axmed Rashiid oo amar cusub dul dhigtay

Nairobi (RH)-Askarigii hore ee Booliska Kenya Axmed Rashiid oo loo haysto dacwad dil ah ayaa lagu amray in uu isku soo dhiibo xafiiska dambi baarista Gaarisa ee DCI ama haddii uu sidaas sameyn waayo loo jaro warqad lagu soo xirayo.

Amarkan ay soo saareen garsooreyaasha ayaa weji cusub u yeelay kiiska Axmed Rashiid, sida laga soo xigtay telefishinka Citizen ee ka hawl gala Kenya.

Garsooraha maxkamadda sare Kanyi Kimondo ayaa khamiista maanta ah amar ku siiyay booliska in Axmed Rashiid uu maro baaritaan caafimaad ka hor inta uusan maxkamadda horteeda uga jawaabin dambiga loo haysto.

Sharci ahaan, garsoore Kimondo ayaa ka codsaday Qareenka Axmed Rashiid oo lagu magacaabo Dustan Omari inuu hubiyo in macmiilkiisu uu sameeyo baaritaanka caafimaadka si waafaqsan xeerarka dalka.

"Baaritaan dhanka maskaxda ah ayaa shuruud lagama maarmaan ah looga dhigaa tuhmane kasta oo maxkamad dacwad dil ah looga soo oogo," Garsooraha maxkamadda sare Kanyi Kimondo ayaa sidaas ku yiri amarkiisa.

Si kastaba ha ahaatee, Omari ma uusan xaqiijin in macmiilkiisa uu diyaar u noqon doono baaritaanka caafimaadka ay ku amartay maxkamadda.

Khamiista maanta ah oo ay taariikhda ku beegan tahay 26 Janaayo, Axmed Rashid ayaa la filayey in fursad loo siiyo jawaab ka bixinta kiiska loo heysto ee ku saabsan dacwadda dilka labada wiil ee dhallinyarada ah ee lagu eedeeyay.

Eedeymaha loo heysto Rashiid ayaa salka ku haya dilkii Jamaal Maxamed iyo Maxamed Daahir oo ka dhacay xaafadda Islii ee magaalada Nairobi.

"Agaasinka danbi baarista (DCI) ayaa ku amray inuu isku soo dhiibo xafiisyadooda Gaarisa."

"Haddii uu ku guul darreyto se, DCI-da waxay sheegtay inay soo saari doonaan waaran lagu soo xirayo Axmed Rashiid."

Xaakimka dacwada gacanta ku haya ayaa ilaa 9-ka Febraayo, 2023 dib u dhigay dhageysiga dacwada Axmed Rashiid.

Axmed Rashiid
XIGASHADA SAWIRKA,CITIZEN TV
30-kii bishii November ee sanadkii lasoo dhaafay ayuu Axmed Rashiid maxkamadda Milimani ee magaalada Nairobi ka codsaday in kiiskiisa dib u eegis lagu sameeyo, isagoo ku dooday in dacwadda ka dhanka ah ay ku hoos duugan yihiin dano gaar ah.

Hay’adda dusha kala socota booliska Kenya (IPOA) iyo xafiiska dacwadda oogaha guud ka dalbatay in Axmed Rashiid uu hortago maxkamadda 8-da December ee sanadkii hore, si uu uga jawaabo dacwadda loo haysto oo ah in bishii March 2017 uu suuqa Islii ku toogtay labo wiil oo dhalinyaro ah.

Hase yeeshee, askariga ayaa ku dooday in labada wiil ee dilkooda loo heysto ay ka mid ahaayeen koox dhac ka geysan jirtay xaafadda Islii, isla maalintaasna ay dhacayeen dukaamo ku yaalla dabaqa Amal Plaza ee Islii.

“Burcadda oo tiro ahaan gaaraysay toddobo ayaa rasaas ku furay ciidanka amniga iyo dadkii meesha ku sugnaa. Mid ka mid ah burcaddaas ayaa watay qori la farsameeyay, waxaana lagu dilay is rasaaseyn dhexmartay isaga iyo booliska,” ayaa lagu sheegay codsiga uu Axmed Rashiid u gudbiyay maxkamadda.

“Burcadda oo tiro ahaan gaaraysay toddobo ayaa rasaas ku furay ciidanka amniga iyo dadkii meesha ku sugnaa," ayaa lasii raaciyay.

Muuqaal la sheegay in laga duubay dhacdadaas ayaa u muuqda Axmed oo si bareer ah u tooganaya labada wiil ee la kala oran jiray Maxamed iyo Jamaal.

Sawir hore
XIGASHADA SAWIRKA,SOCIAL MEDIA
Barnaamij ay BBC qeybteeda Africa Eye ka diyaarisay Axmed Rashiid oo la baahiyay September 2018, ayaa waxa uu ku sheegay in kooxdiisa oo loo yaqaano “Pangani 6” ay baacsadaan burcadda isla markaana ay “ku dedaalaan inay gacanta ku dhigaan nolol iyo geeri ba”.

Mar wax laga waydiiyay labada wiil ee loo haysto dilkooda ayuu sheegay inay ka tirsanaayeen koox burcad ah oo Islii looga yaqaan “Super Power”, isla markaana uu Maxamed Khadar isku soo sawiray jaakad uu lahaa askari ay saaxiibo ahaayeen Axmed Rashiid oo la tuhunsan yahay inay dileen kooxdaas burcadda ah.

Qeyb ka mid ah shacabka ku nool xaafadda Islii ayaa ku ammaanay Axmed Rashiid inuu si wanaagsan wax uga qabtay amni darrada jirtay, gaar ahaan xilliyada habeenka.

Waxa ay ku doodeen in baacsiga kooxda Super Power uu horseeday inay yaraadaan weerarrada ay fulin jireen dhallinyaradaas u badan Soomaalida ee adeegsada toorida iyo hubka kale.

Hase yeeshee dad uu kamid yahay ninka dhalay Maxamed Khadar ayaa aaminsan in halkii laga toogan lahaa la tuhunsanayaasha ay wanaagsan tahay in la mariyo hannaanka sharciga waddanka oo la horgeeyo maxkamadaha dalka.

Hay’adaha xuquuqda aadanaha, gaar ahaan Amnesty International ayaa warbixinno hore oo ay qoreen ku sheegay in Kenya ay ku badan yihiin dilalka sharciga ka baxsan ee ay geystaan laamaha amniga.

Xukuumadda Madaxweyne William Ruto ayaa wacad ku martay inay wax ka qaban doonto arrinkaas, waxaana bishii October ay dowladda kala dirtay unug loo yaqaannay Special Services Unit oo lagu eedeeyay inay dileen dad shacab ah oo ay ka mid yihiin laba muwaadin oo u dhashay Hindiya.

Xigasho:BBC

Category