Muxuu yahay xalka laga gaaray arrinta gobolka Gedo?

Guddiga dib u heshiisiinta gobolka Gedo ayaa ra'iisal wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble, u gudbiyay warbixinta howlihii u qabsoomay iyo talo soo jeedintooda la xiriirta xal u helista khilaafka ka taagan gobolkaas ee u dhexeysa Jubaland iyo dowladda Federaalka.

Inkastoo aan faahfaahin badan laga bixin qodobada lagu heshiiyay ayaa hadana waxaa uu ra'iisal wasaaraha sheegay in howshii dib u heshiisiinta gobolka Gedo guulo laga gaaray.

Guddiga dib u heshiisiinta gobolka Gedo ayaa waxaa ay dhanka kale soo jeediyeen 5 talo oo ay ra'iisal wasaaraha ugu baqeen in la fuliyo.

1. Isu socodka iyo garoomada

Guddiga ayaa waxay soo jeediyeen in ra'iisal wasaaraha uu soo saaro wareegto uu ku amrayo in aan la xannibi karin ama laga celin karin garoomada muwaadin kasta oo aysan maxkamad dambi ku soo oogin sababo siyaasadeed dartood.

Guddiga waxay gaar ahaan ra'iisal wasaaraha ugu baaqeen in laamaha socdaalka, sirdoonka qaranka iyo waaxda duulista rayidka uu ku amro in aysan dhicin in qof loo diido in uu tago meel ka tirsan Soomaaliya.

Waxay guddiga si gaar ah farta ugu fiiqeen in aan la xannibin diyaaradaha u kala goosha Muqdisho, Kismaayo iyo Garbahaareey.

Hadalka guddiga ayaa ku soo beegmaya xilli dhawaan ay maamulka Jubaland u diideen in uu Kismaayo ka dego Cabdi Cali Raage oo ah lataliyaha madaxweyne Farmaajo ee arrimaha doorashooyiinka.

Maxay tahay sababta ay Gedo xudunta ugu noqotay fashilka shirka Dhuusamareeb?

Axmed Madoobe "Ciidamada Federaalka haka baxaan gobolka Gedo"

Rai'sul wasaare Rooble iyo xubnaha guddiga dib u heshiisiinta Gedo

2. Ciidamada iyo siyaasadda

Guuddiga dib u heshiisiinta gobolka Gedo ayaa sidoo kale soo jeediyay in ra'iisal wasaaraha uu amro in ciidamada aysan soo faragalin howlaha doorashada marka laga reebo ciidamada loo xilsaaray fulinta amniga doorashada.

Waxay intaa ku dareen in iyada oo lagu saleynayo heshiiskii 27 May aysan ciidamada wax faragain ah ku sameyn siyaasadda iyo amniga doorashada dad-ban.

Guddiga ayaa sidoo kale ku taliyay in sugidda amniga doorashada Garbahaareey loo maro si waafaqsan heshiiskii Baydhabo iyo heshiiskii 27 May ee golaha wada-tashiga qaranka.

Wasiirka arrimaha gudaha ee Puntland, Maxamed Cabdiraxman Dhabancad

3. Guddiga doorashada Jubaland

Wasiirka arrimaha gudaha ee Puntland oo warbaahinta u akhriyay talo soo jeedintooda ayaa sheegay in guddiga dib u heshiisiinta gobolka Gedo ay soo jeedinayaan in guddiga doorashada Jubaland (SEIT) uu soo gudbiyo jadwalka goorta ay tagayaan magaalada Garbahaareey.

Guddiga doorashada Jubaland ayaa sidoo kale looga fadhiyaa in ay soo gudbiyaan waqtiga la qabanayo doorashada 16 kursi ee yaalla Garbahaareey.

Guddiga dib u heshiisiinta Gedo oo ka koobnaa wasiirro ka kala socday Puntland, Galmudug, Hirshabeele iyo Koonfur Galbeed ayaa ku taliyay in la tixgaliyo codsiga bulshada Garbahaareey ee ahaa in doorashada lagu billaabo kuraasta taalla Garbahaareey.

4. Sugidda amniga Garbahaareey

Guddiga ayaa soo jeediyay in cidamada AMISOM ay qeyb ka noqdaan sugidda amniga Garbahaareey xilliga ay doorashada dhaceyso.

Talada guddiga ayaa lagu xusay in si looga hortago in "argagixisada" ay soo faragaliso habsami u socodka amniga doorashada Garbahaareey, loo baahan yahay in ciidamada AMISOM ee aagaasi ku sugan ay amniga gacan ka geystaan.

Guddiga ayaa waxay soo jeediyeen in mar waliba arrinta gobolka Gedo ay wadatashi ka sameeyaan golaha wada-tashiga qaran ee ka kooban ra'iisal wasaaraha iyo madaxda maamul goboleedyada iyo gobolka Banaadir.

Waxay si gaar ah farta ugu fiiqeen in laga tashado mar waliba xaaladda amni iyo midda siyaasadeed ee qabsoomidda doorashada gobolka si loo ilaaliyo hab-sami u socodka doorashada iyo fulinta heshiisyada fududeeynaya doorashada kuraasta Garbahaareey.

Wasiirka arrimaha gudaha Hirshabeele Maxamed Cali Caadle

Wasiirka arrimaha gudaha Hirshabeele oo ahaa gudoomiyaha guddiga dib u heshiisiinta Gedo, Maxamed Cali Caadle

5. Mashaariicda Garbahaareey

Guddiga dib u heshiisiinta gobolka Gedo ayaa waxay dhanka kale soo jeediyeen in mashaariic hormarineed oo degdeg ah laga hirgaliyo magaalada Garbahaareey si ay taas gacan uga geysato soo kabashada kalsoonida bulshada ee dowladnnimada.

Waxay guddiga carabka ku dhufteen in mashaariicda ay tahay in laga hirgaliyo Garbahaareey ay ka mid yihiin biyaha, waddooyiinka, dhisidda garoon kubadda cagta ah iyo in la dhiso suuq dadka ka dhaxeeya.

Si kastaba ha ahaatee ra'iisal wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa dhankiisa ballanqaaday in la fulin doono tala soo jeedinta guddiga.

Waxaa uu si gaar ah uga hadlay arrinta isu socodka daadka iyo in muwaadin kasta uu xaq u leeyahay in u tago meel kasta oo dalka ka mid ah.

Arrinta gobolka Gedo ayaa xudun u ahayd khilaafka muddada dheere soo jiitamayay ee la xiriira arrimaha doorashada.

Xiggasho: BBC

Category