Nairobi (RH)-Maamulka iyo Shaqaalaha Radio Hormuud, waxa ay hambalyo ku aadan munaasabadda ciidda carafo u dirayaan akhristayaasha iyo dhagaystayaasha ku xiran Idaacadda, waxaa lee nahay sannadkan sannadkiisa ku gaara bash bash iyo barwaaqo.
Maalintan Ciidda ah waa maalin ka mid ah maalmaha ugu barakada badan Islaamka, waana fursad qiimo weyn leh oo lagu xoojiyo walaaltinimada, is-cafinta iyo taakuleynta bulshada, gaar ahaan garab istaagga dadka nugul iyo qoysaska u baahan kaalmo iyo daryeel.
Ciiddu waxay ina xasuusinaysaa qiyamka suubban ee naxariista, wadajirka iyo isku duubnida ee diintu ina farayso.
Mar kale waxaa idin lee nahay ku ciidda farxad iyo caafimaad san.