Hargeysa (RH)-Magaalada Hargeysa waxaa shaley laga furay hotel 5 Star ah, waa markii ugu horraysay oo hotel noocan ah laga furo guud ahaan deegannada Somaliland.
Munaasabadda daahfurka hotelka, waxaa ka qaybgalay madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), xubno ka tirsan golaha wasiirada, xildhibaannada baarlamaanka labada aqal, siyaasiyiin, wafuud ka kala timid Ethiopia, Jabuuti iyo diplomaasiyiin.
Mulkiilaha Hotelka Cabdikariim Axmed Ciid ayaa ka sheekeeyay waxa ku dhaliyay inuu Hargaysa ka furo hotel casri ah, waxa uu sheegay inuu weligiis ku taamayay inuu maalgashi ka sameeyo magaalada.
Waxa uu ku qiray aragtida in hotel laga dhiso Hargaysa uu lahaa qof ay saaxibbo ahaayeen kaasoo kula taliyay in hotel uu ka dhiso goobta laga dhisay hotelka A Sarovar, taasna uu ka dhabeeyay.
Waxa kale uu sheegay Cabdikariim hotelkan inuu shaqo abuur siinayo dhallinyaro fara badan, dalkana uu keenayo dhaqaale badan maadama ay imaanayaan dalxiisayaal iyo ajaaniib kale oo rabta dalka.
Maamulaha Hotelka Ajay Bakaya ayaa sheegay in dhismaha hotelka ay qaadatay illaa sideed sanno, ayna dhiseen shaqaale ka kala yimid dibadda iyo gudaha.
Waxa uu sheegay in hotelka ay ka shaqeyn doonaan shaqaale ka soo kala jeeda illaa 7 dal, kuwaasoo leh hal hadaf.
Dhinciisa Duqa magaalada Hargeysa Cabdikariim Axmed Mooge,ayaa u mahadceliyay mulkiilaha hotelka, kaasoo uu sheegay inuu ku dhiiraday wax aan la sameyn 32 sanno oo ay jirtay Somaliland.
''Waa la waayay qof ku dhaca inuu maal intan la eg galiyo magaaladan oo innoo dhisa hotel five star ah, laakin magaalada waxaa u hiiliyay wiilkeeda, kii ku dhashay, wax ku koray isugu lahaa''ayuu yiri Cabdikariim Mooge.
Ugu dambeyn, madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ayaa sheegay in hotelkan casriga ah ee laga dhisay Hargeysa uu muujinayo sida Somaliland ay ugu soo dhawaatay in ay hesho ictiraaf rasmi ah.
Waxa uu ammaanay mulkiilaha hotelka oo hanti badan galiyay dhismaha hotelkan casriga ah.
''Maanta haddii uu noo yimaado ra'iisal wasaaraha Itoobiya ama madaxweynaha Imaaraadku ama madaxweynaha Marayku meel la dajiyo ayaan heynaa'' ayuu yiri.
Hotelka Sarovar waxa uu noqon doonaa hotelkii ugu horreeyay ee laga dhiso Somaliland ama guud ahaan Soomaaliya.







Radio Hormuud
Studio 3
Hargeysa-Somaliland