Sawirro: Wafdi Sare oo ka socda Qadar oo booqasho ku jooga Muqdisho

Muqdisho (RH)-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya  Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta oo Axad ah xafiiskiisa ku qaabilay wafdi sare oo ka socda dalka Qadar kuwaasoo booqasho rasmi ah ku jooga Muqdisho.

Wafdiga Qadar waxaa hoggaaminaya ergayga gaarka ah ee  wasiirka arrimaha dibadda Qatar u qaabilsan dhexdhexaadinta iyo la dagaallanka argagixisada Mudane Multaq  Alqahtani.

Sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay xafiiska raysal wasaaraha Soomaaliya, waxaa raysal wasaare Rooble iyo wadiga Qadar ka wada hadleen xoojinta xiriirka labada dal, la dagaallanka argagixisada iyo Arrimaha  doorashooyinka dalka.

Wafdiga Qadar ayaa Muqdisho yimid maalin uun kaddib markii xildhibaannada baarlamaanka ay markale u codeeyeen in lagu laabto heshiiskii 17-kii Sept 2020 ee doorashada ku saleysneed oo ay gaareen madaxda dowladda iyo kuwa maamul goballeedyada iyo in laga laabo muddo kororsiga hey'adda dowladda ee labada sanno.

Qadar waxa ay ka mid tahay saaxibbada aadka ugu dhow madaxweyne Farmaajo iyo taliyaha hey'adda nabad sugida Fahad Xaaji Yaasin.

Raysal wasaaraha Soomaaliya ayaa hadda loo xil saaray in uu qabto doorashada lana socdo amnigeeda, in kastoo mucaaraadka ay arrintaas ka shakisan yihiin

Wafdiga QadarWafdiga QadarWafdiga Qadar ka socda

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category