Sawirro: Xasan Sheekh oo gaaray Jabuuti

Jabuuti (RH)-Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta oo Sabti ah gaaray caasimadda dalka Jabuuti.

Sida lakgu sheegay qoraal goordhow ka soo baxay xafiiska madaxweynaha, madaxweynaha ayaa la filayaa saacadaha soo socda inuu la kulmo dhiggiisa Ismaaciil Cumar Geelle.

Labada Madaxweyne ayaa kulankooda kaga wada-hadli doona xoojinta xiriirka soojireenka ah iyo iskaashiga istaraatiijiga ee ka dhexeeya labada dal, gaar ahaan dhinacyada amniga, dhaqaalaha, siyaasadda iyo adkaynta xasilloonida gobolka.

Wafdiga madaxweynaha waxaa ka mid ah taliyaha hay'adda nabad sugida Mahad Salaad iyo xubno kale.

Safarka madaxweyne Xasan ee Jabuuti ayaa ku soo aadaya xilli gobolka gaar ahaan dalalka dariska sida Itoobiya ay ka socdaan dhaqdhaqaayo ay ku rabaan in maalmaha soo socda ay ku daahfuraan biyaha xireenka wabiga Niil ee koratada ay ka dhalinayso iyo xiisadda u dhexeeya Asmara iyo Addis Ababa.

Xasan Sheekh oo gaaray JabuutiXasan Sheekh oo gaaray JabuutiXasan Sheekh oo gaaray Jabuuti

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category