Saxafiyiintii ugu horreeyay oo 30 sannadood kadib ka qalinjabinaya Jaamacadda Ummada

Muqdisho (RH)-Ku dhawaad 45 arday oo dhammaystay heerka koowaad ee Jaamacadda oo bartay Saxaafadda oo ay muddo afar sannadood ah ka baranayeen Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed ayaa hadda ku jira qabanqaabada qalinjabintooda.

Waa dufcaddii ugu horraysay oo muddo 30 sannadood ka badan Jaamacadda Ummadda ka qalinjabinaaya iyaga oo bartay Saxaafadda.

Waxa ka mid ah, arday isaga oo Kulliyadda Saxaafadda dhigta ay dagaalladii sokeeya ka bilaabmeen Muqdisho, ka dibna sidaas ku waayay fursaddiisii waxbarasho.

Markii Kulliyadda Saxaafadda ee Jaamacadda Ummadda dib loo furay sannadkii 2017kii ayuu mar kale Jamaacadda ku soo biiray.

Muddo 30 sannadood ah ka dib, hadda waxa uu diyaar garoobayaa in uu qalinjabiyo.

Jaamacadda Ummadda ayaa ah Jaamacaddan kaliya ee ay maamusho dawladda Soomaaliya ardayduna ay wax ku bartaan lacag la’aan.

Qaar ka mid ah ardayda ka qalinjabiyay Jaamacadda ayaa fursado deeq waxbarasho ah ka helay dalka Talyaaniga sannadihii ugu dambeeyey.

Xiggasho: BBC

Category