Somaliland Dadka U Geeriyoonaya Xanuunka Covid-19  Oo Badatay 

Hargeysa(RH):-Maalmihii u dambeeyay waxaa Magaalooyinka Waaweyn ee Somaliland, gaar ahaan Caasimadda Hargeysa soo badanaya Dadka u Geeriyoonaya Xanuunka Covid-19

 

Dad badan ayaa Toddobaadkii u dambeeyay ku dhintay Xaafadaha kala duwan ee Magaalada Hargeysa oo ay intooda badan u Geeriyoodeen Naqaska oo  ku dhegay ama Neef qabatin, arrintaasi oo sii xoojinaysa jiritaanka khatarta Xanuunka Covid_19 oo la sheegay Mowjaddiisii saddexaad inay ku dhufatay Somaliland.

maalmihii u dambeeyey Xabaalaha kala duwan ee kooneyaasha Magaalada Hargeysa waxa lagu aasay Dad badan, si gaar ah Xabaalaha Baqiic ee Waqooyiga Hargeysa, iyo masalaha waxa lagu aasay Dad badan oo isugu jira Rag iyo dumar, kuwaasi oo ehelkoodu sheegeen inay u Geeriyoodeen si kedis ah ama mawtal-qafle, laakiin arrimahan oo dhan ayaa muujinaya khatarta jirtaa inta ay leeg tahay.

Toddobaadkii hore, Xukuumadda Somaliland ayaa Dadweynaha ku waanisay inay ku dabaqaan Talooyinka Bahda Caafimaadka, si looga fogaado khatarta Xanuunka Covid_19.

Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Sheekh Cabdirisaaq Xuseen Al-baani oo ka mid ah Guddiga Qaran ee ka hor-tagga xanuunka Covid_19, ayaa isagoo arrimahaa ka hadlaya wuxuu yidhi  “Waxa innagu soo laba kacleeyay Xanuunka Covid_19, si xooggana wuu u faafayaa sida Bahda Caafimaadku caddaysay, gaar ahaan Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka, xanuunnaduna waxay ka mid yihiin waxyaabaha uu Ilaahay SW uu Ummadaha ku sallido, isagaana keena, isagaana qaadi kara Ilaahay, Caqiiqadeedana waxa mid ah in wixii Ilaahay keeno aynu marka koowaad ku samirno, waxayna shareecadu inoo ogolaatay in Xanuunnada la iska daweeyo oo weliba Xanuunnada Faafa la is karantiimeeyo sida Nebiguba CSW uu sheegay.”

Wasiirku waxa kale oo uu sheegay “Markaa guud ahaan Shacabka Somaliland waxa looga baahan yahay inay qaataan oo ay aqbalaan Talooyinka Bahda Caafimaadka iyo Guddiga Qaranka ugu xil-saaran Covid_19-ka, oo dhammaan meelaha la iskugu yimaaddo, sida Maqaaxiyaha, Madaariista, Malcaamadaha iyo Masaajiddada in la soo celiyo nidaamkii kala fogaanshaha, in Macalimiinta iyo Imaanyadu ay siiyaan Talo-bixin Dadka ay xilkooda hayaan oo ay ku guubaabiyaan inay soo xidhaan Af-saabka, faraha maydhaan, kala durkaan, Goobaha Cibaadada ha noqoto, Suuqa ha noqoto iyo meel kasta oo la iskugu yimaaddo, in la isdaweeyaana waa shay Sunne ah ayay Cuimadu yidhaahdeen”

Hase-yeeshee, Dadka ayaan weli dheg-jalaq u siinaynin baaqyada bahda Caafimaadka, Culimada iyo Dawladda.

Category