Taliyaha Militariga Itoobiya: "waxaan sugayaa amar oo kali si aan Maqalla u weerarno"

Taliyaha guud ee ciidamada dalka Itoobiya, Birhanu Jula ayaa sheegay in uu sugayo oo kali ah amarada madaxda ka sareysa si mar kale guluf dagaal loogu qaado gobolka Tigrey.

Taliyaha ayaa la hadlayay wakaalada wararka ee dowladda Itoobiya.

Hadalkiisa ayaa ku soo beegmaya xilli hay'adda cunada aduunka ee WFP ay sheegtay in kolanyo gargaar siday lagu weeraray axaddii meel 115 KM u jirta magaalada Semera, ee caasimada gobolka Canfarta.

Hay'adda ayaa sheegtay in saraakiishooda ku sugan Itoobiya ay ka shaqeynayaan sidii loo ogaan lahaa cidda weerarkaasi ka dambeysay.

Xiisadda ayaa aad u kacsan dalka Itoobiya xill ay dowladda dalkaasi ay waddo abaabulka ciidamo la dagaalama xoogagga gobolka Tigrey.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalka imika uu ku sii fidayo gobolada kale ee dariska la ah gobolka Tigrey.

Taliyaha guud ee ciidamada dalka Itoobiya, Birhanu Jula ayaa ugu baaqay jabhadda TPLF in ay xushmeeyaan xabad joojintii labada dhinac ahayd.

Rai'sul wasaaraha dalka Itoobiya Dr Abiy Axmed ayaa horey ugu baaqay dowalad deegaanada inay ka qeyb qaataan dagaalka ka dhanka ah xogagga TPLF.

Deegaanka soomaalida Itoobiya ayaa ka mid ah deegaanada ciidamada u diray si ay qeyb uga noqdaan dagaalka ka dhanka ah TPLF.

Dabayaaqadii bishii June ayay ahayd markii ay dowladda Itoobiya si lama filaan ah ugu dhawaaqday xabad joojin hal dhinac ahayd, waxayna halkaasi kala soo baxday ciidamadeedii ku sugna gobolka Tigrey.

Maalintii xigtay ku dhawaaqidda xabbad joojinta gobolka Tigrey ayaa waxaa caasimadda gobolka Tigrey ee Mekelle la wareegay xoogaga TPLF.

Dagaalka gobolka Tigrey ayaa waxaa uu socday muddo ka badan 8 bilood.

Dagaalkan waxaa sidoo kale qeyb ka ahaa ciidamada Eretria oo gacan siinayay kuwa dowladda Itoobiya.

Hay'adaha u ololeeya xuquuqda aadanaha ayaa dhankooda ku eedeeyay dhinacyada dagalamaya inay geysteen tacadiyo ka dhan xuquuqda aadanaha.

Dagaalkan waxaa ku dhintay kumannaan qof oo intooda badan ay yihiin dad rayid ah .

Ugu yaraan 350,000 oo qof oo ku nool gobolka Tigray ayaa wajahaya macaluul, halka 5 milyan oo qof oo kale ay gargaar degdeg ah u baahan yihiin.

 

xigasho BBC

Category