Tim Walz, oo ahaa musharraxii madaxweyne-ku-xigeenka Maraykanka ee xisbiga Dimuqraadiga sanadkii 2024, ayaa ku dhawaaqay inuu ka tanaasulay tartanka doorashada guddoomiyaha gobolka Minnesota.
Tim Walz wuxuu sheegay in go’aankiisa uu ku salaysan yahay inuusan awoodin inuu ololaha siyaasadeed si buuxda u bixiyo tamartiisa iyo waqtigiisa, isagoo xusay in sannadkii la soo dhaafay uu ahaa mid adag oo culays badan ku keenay gobolka.
Go’aankan wuxuu yimid kaddib dhaliilo iyo cadaadis kaga yimid maamulka Donald Trump, kuwaas oo toddobaadkii hore hakiyay lacagihii lagu taageeri jiray xarumaha xannaanada carruurta (daycare) ee Minnesota.
Maamulka Trump wuxuu ku sababeeyay in xarumo badan ay heleen lacag iyagoo aan shaqaynayn, taasoo ay ku tilmaameen musuq-maasuq. Inkastoo ay sheegeen in dhibaatadu tahay mid guud oo dalka oo dhan ka jirta, haddana Minnesota ayay si gaar ah ugu xoogganaatay.
Warbixintu waxay intaas ku dartay in qaar ka mid ah xarumahaas ay la xiriiraan dad asal ahaan ka soo jeeda Soomaalida, kuwaas oo Trump hore u dhaleeceeyay, isla markaana sheegay inuu doonayo in laga saaro Maraykanka.
Tim Walz ayaa si adag u cambaareeyay tallaabada maamulka Trump, isagoo yiri:
“Waxay doonayaan inay shacabka isu diraan oo ay weeraraan deriskeenna. Ugu dambaynna waxay burburinayaan waxyaabaha Minnesota ka dhigaya meel ku habboon in carruur lagu barbaariyo.”
Lacagaha xannaanada carruurta lama sii deyn doono ilaa maamulka Trump uu helo xog dheeraad ah oo uu ku hubiyo xarumahaas.
Ugu dambayn, Tim Walz wuxuu guddoomiyaha Minnesota ahaa tan iyo 2019, waxaana la filayay inuu mar saddexaad u tartamo xilkaas. Doorashada guddoomiyaha gobolka Minnesota waxay dhici doontaa bisha Nofeembar ee sanadkan.
Sanadkii 2024, Tim Walz wuxuu musharrax madaxweyne-ku-xigeen la ahaa Kamala Harris.