Toogasho ka dhacday gobolka Soomaalida Maraykanka ugu badan ay ku nooshay

Minneapolis (RH)-Ugu yaraan labo carruur ah ayaa dhintay, ku dhawaad 20 kalena waa ay ku dhaawacmeen weerar toogasho ah oo ka dhacday iskuul ku yaalla magaalada magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota ee dalka Maraykanka.

Sida uu sheegay taliyaha booliska Minnesota, nin ku hubeysan qori iyo bastoolad ayaa soo istaagay daaqadaha iskuulka, kadibna waxa uu billaabay inuu toogto ardayda iyo macallimiinta, sida uu baahiyay telefishanka NBC.

Ninka toogashada geystay oo 20 jir ahaa ayaa mar danbe is dilay, sida taliyaha uu xaqiijisay.

Sidoo kale, booliska waxa ay xaqiijiyeen in ninkan uusan lahayn taariikh dembiyeedoo ballaaran.

Dadka dhaawacmay, ayaa 14 ka mid ah waxa ay ahaayeen carruur, iyadoo laba ka mid ah ay xaaladoodu liidato, sida ay booliisku sheegeen.

Dugsiga weerarka ka dhacay ayaa waxaa loogu talagalay carruurta yeryer, waxaana uu ahaa fasalka kowaad ilaa sideedaad sida ay ku warrantay wakaaladda wararka AP.

Guddoomiyaha gobolka Minnesota Tim Walz ayaa taageero u muujiyay bulshada dugsiga hadal uu soo dhigay bartiisa bulshada ee X ayuu ku yiri "Waxaan u duceynayaa caruurteenna iyo macalimiinteenna oo todobaadkii ugu horreeyay ee dugsigoodii uu ku dhacay falkan foosha xun."Minnesota way murugootay," ayuu sii yiri guddoomiyaha.

Saacado ka dib toogashada, madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa saxiixay in calanka hoos loo dhigo, si loogu sharfo dhibanayaasha.

"Si buuxda ayaa la ii soo sheegay toogashadii naxdinta lahayd ee ka dhacday magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota" ayuu yiri Trump oo qoraalkan soo dhigay bartiisa, isagoo intaas ku daray in FBI-da in ay si deg deg ah uga jawaabtay goobta, iyadoo Aqalka Cad uu sii wadi doono la socodka xaaladda.

Masiibadii ka dhacday Minneapolis waxay noqotay toogashadii shanaad ee qorsheysaneyd ee ka dhacda dugsiyada Mareykanka sannadkan kaliya 2025-ka, sida uu baahiyay NBC News.

Guud ahaan 286 toogasho wadareed ayaa sanadkan ka dhacay dalka Maraykanka, sida laga soo ogaatay kaydka rabshadaha, kuwaasoo badi ahaa toogasho wadareed.

Radio Hormuud

Studio 3

Nairobi-Kenya

Category